Madaxweynayaasha Somalia & Masar oo ku wada hadlay qadka Teleefanka (Ujeedka)

0
252

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa qadka Telka kuwada hadlay Madaxweynayaasha Somalia Maxamed C/lahi Farmaajo iyo dhigiisa Masar Cabdilfatah al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa hambalyada Ciida kadib u dhadhacay xiriirka labada dal, Amniga, La dagaalanka argagixisada iyo Horumarka Somalia.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa dhigiisa Somalia u xaqiijiyay in Masar ay is garabtaageyso Somalia, isla markaana ka caawin doonto la dagaalanka al-Shabaab.
Al-Sisi waxa uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Masar ay xoojin doonto xiriirka Somalia, si looga guuleysto waxa uu ugu yeeray xagjirka, waxa uuna cadeeyay in Masar ay ku taameyso Somalia oo ka gudubtay xaaladaha cakiran.
Al-Sisi waxa uu intaa raaciyay in Masar ay ka qeybqaadan doonto xasilinta Somalia iyadoo dowlada Somalia laga garabsiinaayo jiho walba oo u baahan xalin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyay haddalka Cabdifatah Al-Sisi, waxa uuna ku amaanay sida ay Masar u garab taagan tahay Somalia.
Farmaajo waxa uu dhankiisa ka muujiyay in Somalia ay ka faa’iideysan doonto fursadaha ay siineyso Masar, si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Sidoo kale, Jariidada akhbarelyom ee kasoo baxda Masar ayaa qortay in labada Madaxweyne ayaa isla fahmay in laga wada shaqeeyo Amaanka, Siyaasada iyo Horumarka iyadoo la xoojinayo xiriirka labada dal.
Docda kale, wada hadalka labada Madaxweyne ayaa kusoo beegmeysa xili Somalia iyo Masar ay isaga soo dhawaanayaan halkii ay horay kala taagnaayen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Madaxweynayaasha Somalia & Masar oo ku wada hadlay qadka Teleefanka (Ujeedka)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.