Madaxweyne Deni oo durba soo saaray amar culus

0
533

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqadii ugu horeeyey ee uu qabto ka dhigay inuu soo saaro amar culus oo la xiriira hanaanka maaliyadda Puntland.Madaxweyne Deni ayaa soo saaray wareegtadii ugu horreysay,  waxaana uu joojiyay kharashaadka ka baxaya akoonada hay’addaha dowliga ah ee Puntland illaa amar dambe.Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul.Hoos ka aqriso amarka madaxweyne Deni




SOURCE: Madaxweyne Deni oo durba soo saaray amar culus

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.