Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida wasiir Cabdiraxman Xoosh Jabrill

0
73

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai.Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.”Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada.Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida wasiir Cabdiraxman Xoosh Jabrill

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.