Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyey inuusan rabin qabashada doorasho dalka ka dhacdo

0
210

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo sanad iyo bar uun naga xigto doorashada guud ee 2020-ka ayaa waxa aanan muuqan weji loogu hagaago iyo hannaan sax ah oo la isku ogyahay taas oo keeni karta qas, kala orod iyo jahawareer marka uu waqtiga soo dhowaado ama arrinta laga cabsi qabo oo dib u dhac iyo waqti kororsi.Xildhibaan Saabir Shiiriye, oo ah xildhibaan golaha shacabka ee BF oo arrinkan aan wax ka weydiiney waxaa uu yiri “Xukuumadda federaalka ah ayaa ka mas’uul ah, sida aad dareenteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu rabaa in doorasho aaney dalka ka dhicin, ilaa hadda ma cada qaabka doorashada, laguma heshiisin hannaan sax ah”.Mr. Shuuriye oo ka hadlayey sharciga doorashada ayaa waxaa uu yiri “Arrinta sharciga doorashada, horta dastuurka ayuu khilaafsan yahay, qaabka loo soo qoray, shaqo in laga qabto ayuu rabaa, kaas oo aan shaqo laga qaban wax horay u soconayo ma jiraan, guddi ayaa loo saaray iyaga ayaana ka shqeyn-doona”.Aqoonyahanka Yaxye Caamir oo arrinta doorashada 2020-ka kala hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa ku dooday in tashi la’aanta dowladda federaalka ah ay keentay in heerkan la soo gaaro“Waa run doorashada 2020-ka weji looma bixin, caalamka ayaa maalin walba dhahaya soo gudbiya nidaam doorasho, laakin jawaab looma hayo, mana ii muuqato in si dhow xal loo gaari-doono”.“Waxaa caqabad ka iman-doontaa in hal mar laga guuro nidaam doorasho oo muddo dheer lagu soo socday, waxaa sidoo kale adkaan-doonta diiwaan-gelinta dadka gudaha dalka iyo kuwa dibadda jooga, degmooyin waxaa jiro aan la tagi karin, oo matalaad aan yeelan-doonin.Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii KismaayoCaasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com 




SOURCE: Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyey inuusan rabin qabashada doorasho dalka ka dhacdo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.