Madaxweyne Farmaajo oo maanta safar ka ah magaalada Muqdisho

0
134

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta la filayaa in safar uu ugu baxo magaalada Brussels ee daka Belgium-ka.
Sida qorshaha uu yahay, madaxweynaha ayaa magaalada Brussels uga qeybgali doona shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb gali doonaan Madaxda caalamka.
Waxaa safarka ku wehlin doona Madaxweyne Farmaajo Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiro kale.
Shirkaan ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Madaxda maamul goboleedyadda.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sida ammaanka, dhaqaalaha iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab maadaama maalmahan dambe laga itaal roonaanayo Kooxaha xagjiriinta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkaasi uu ka jeedin doono Khudbad uu uga hadlaayo arrimaha Somalia.
Docda kale, inta Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay joogan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxa ay la kulmi doonaan madax kasoo qeybgali doonta shirka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Madaxweyne Farmaajo oo maanta safar ka ah magaalada Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.