Madaxweyne Farmaajo oo qiray inay dowladiisa heysato dhaqaale xumo baahsan

0
291

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray inay Dowladiisa wajaheyso Xaalad dhaqaale xumo kadib laba sano oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa.Madaxweynaha oo ka hadlayey Caqabadaha hor taagan Dowladdiisa ayaa soo bandhigay qodobo badan oo ay kamid aheyd dhaqaale xume, Siyaasiyiin dowladda ku kacsan iyo faragelin dhanka Beesha Caalamka.Isagoo ka hadlayay shirka Culimada ayaa sheegay in dhaqaale xumada heysata dowladnimada ay tahay canshuuraha oo aan loo qaadin sidii la rabay.“Waxaa intaas ugu daran dhaqaale xumo baahsan ayaa dowladda heysata, wax kale ma ahan aruurinta canshuuraha ayaa sidii la rabay aheyn”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.Hadalka Madaxweynaha ayaa dood badan dhalisay maadaama ay kusoo aaday xilli Ra’isulwasaare Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda ay isku raaceyn in sare loo qaaday Dhaqaalaha dalka isla markaasna horumar laga sameeyey Dhakhli uruurinta Gudaha dalka.Dadka Falanqeeyo Arrimaha Dhaqaalaha ayaa aaminsan in dhaqaale xumada soo wajahday Dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Farmaajo ay sabab u tahay dowlado badan oo Soomaaliya ka joojiyey caawinaadii dhaqaale oo ay siin jireyn.Sababta keentay inay dowlado badan joojiyaan Caawinaadda dhaqaale ee Soomaaliya siin jireen ayaa lagu micneeyey tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladdu qaaday ee la xiriiray siyaasadda Arrimaha dibadda.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Madaxweyne Farmaajo oo qiray inay dowladiisa heysato dhaqaale xumo baahsan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.