Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyay dhaawacyo iyo Meydad Tukriga loo qaaday

0
90

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku laayeen shacabkii birmageydada ahaa ee isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Muwaadiniintan ayaa ku naafoobay dhagarta ay soo maleegeen argagixisadu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Ciidamada Madaxtooyada ayaa ka hor-istaagay Saxafiyiinta ku sugnaa Garoonka inay muuqaallada ka duubaan Madaxweynaha, intii uu sagootinayay dhaawacyada, waxaana kaliya muuqaalada duubayay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo inta badan muuqaallada ay soo jarjarto la wadaagta warbaahinta duubayay ka fogeeyay.






SOURCE: Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyay dhaawacyo iyo Meydad Tukriga loo qaaday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.