Madaxweyne Farmaajo oo wacay Uhuru si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay diyaaradda Kenya laga leeyahay oo ku burburtay Bardaale

0
351

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka kenya Uhuru Kenyatta si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay ugana tacsiyeeyo geerida naxdinta leh kadib markii diyaarad ka diiwaan-gashan Kenya ay ku soo dhacday magaalasa Bardaale ee Gobolka baay.

Wasaaradda Arimaha Dibadda kenya, oo warbixin u qortay warbaahinta, ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ku wargaliyay Madaxweyne Kenyatta in uu faray Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya in ay si dhaqso ah baaritaan ugu sameeyaan waxa sababay shilka diyaarada.

Wuxuu kaloo casuumaad u fidiyay Hay’adda Duulista Rayidka ee Kenya (KCAA) si ay ula midoobaan dhiggooda Soomaaliya si loo soo gabagabeeyo baaritaanka si dhakhso leh.

Uhuru Kenyatta ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo soo wacay wuxuuna ballan qaaday inuu tacsi u diri doono qoysaska labada shaqaala ee ku dhintay shilka diyaaradda.

Diyaaradda Embraer 120 ee ay maamusho shirkadda Africa Express ayaa waxaa la sheegay inay hay’ad samafal ah u qaaday dawo iyo qalab caafimaad iyadoo kasoo qaaday magaalada Baydhabo ee caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka koonfur Galbeed

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.