Madaxweyne Gaas oo balanqaad u sameeyay madaxweynaha cusub fariinna u diray Shacabka

0
253

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in shacabka Puntland ka filayaan inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay in si midnimo iyo Wadajir ah ay kaga shaqeeyaan horumarinta deegaanka iyo kor u qaadida xaalada amaanka ee Puntland.Wuxuu sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku qabo kalsooni buuxda oo la xiriirta inuu wax ka qaban karo amaanka iyo horumarinta deegaanada maamulka Puntland.Shacabka Puntland ayuu sheegay in xiligan looga baahan yahay inay muujiyaan Midnimo iyo Wadajir oo ay si dhab ah ula shaqeeyaan madaxweynaha Cusub ee Puntland.“Puntland waa mid, waxaan u baahannahay midnimo iyo Wadajir, madaxweynaha cusub waan ku kalsoonahay, waana nin shaqadiisa kasoo bixi kara, shacabkana waxaa ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan” ayuu yiri Gaas.Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa ballanqaaday in haddii madaxweynaha cusub uu uga baahdo talo iyo la shaqeyn uu xilli walbo diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa ku biiriyo.Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Madaxweyne Gaas oo balanqaad u sameeyay madaxweynaha cusub fariinna u diray Shacabka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.