|

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo ka hadlay kulankii Axmed Madoobe iyo Taliyaha AMISOM

jowhar Somali News Leader
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta tagay Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne kuxigeenku ayaa sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka, isla markaana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono.
Sidoo kale waxaa uu uu intaas ku daray Madaxweyne kuxigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada, kuwaas oo la xiriira Arrimaha Doorashooyinka Jubbaland.
Madaxweyne kuxigeenku ayaa sheegay in AMISOM ay sheegtay in aysan wax faragalin ah ku yeelanaynin arrimaha doorashooyinka Jubbaland, loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago, iyadoo marna aanay shaki gelin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in la isku raacay inay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.
The post Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo ka hadlay kulankii Axmed Madoobe iyo Taliyaha AMISOM appeared first on Jowhar.




SOURCE: Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo ka hadlay kulankii Axmed Madoobe iyo Taliyaha AMISOM

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application