Madaxweyne Waare oo Daah Furay Mashruuca Qolalka Isgaarsiinta Hirshabelle

0
201

jowhar Somali News Leader
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Jowhar ka daah furay barnaamijka qololka Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle.
Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo ah mid ka mid ah mashaariicda uu bankiga aduunku ka wado dalka, ayaa waxa uu kala shaqeeyaa arrimaha Tecnolojiyada Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana mashruucani uu yahay mid dalka oo dhan laga hirgaliyay.
Munaasabadda Daahfurka oo ka dhacdey madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Dawladda Hirshabelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabelle, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geeddi, Xubna ka tirsan Labada Golle ee Dowladda, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan mashruuca. Waxaa sidoo kale shirka uga soo qeyb galay qaab maqal iyo muuqaal ah (Online) Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku sugnaa xafiiskiisa magaalada Beledweyne.
Maareeyaha mashruucani Cabdisalaan Shariif Xuseen oo faah faahin ka bixiyay mashruuca ayaa u mahadceliyay madaxda Hirshabelle sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca islamarkaana kala shaqeeyeen shaqalaaha shaqada qabtay, sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawlada Federaalka Soomaaliya, iyo madaxda Bankiga Aduunka oo kaalin weyn ka qaatay brograme-kani.
Maareeyaha ayaa sheegey in Sharaf & Farxad weyn ay u tahay Madaxweyne Waare in mashruucani laga hiragliyo Hirshabelle uu daah furo iyadoo mashruucani markii ugu horeysay madax uu ka noqday Waare isaga qudhiisana uu shaqada u qoray waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo wejiga 3aad oo ku salaysan aragtidadi Strategic Diversification inu Soomaaliya & geeska Afrikaba ka bilowdo Howshan oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya.
Wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda Dowladda Hirshabelle Mudane C/Weli Sheekh Cali oo mashruucani Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah iyo qalabkooduba la wareegay ayaa ka mahadceliyay fulinta mashruucani, waxaana uu sheegay ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo la xiriira horumarinta isgaariinta iyo ticnoolajiyada islamarkaana ay hadda ku howlanyihiin tayeynta Enternetka xafiisyada Dowladda.
Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada mashruudani uu u leeyahay xafiisyada Dowladda oo koobaya howlaha shaqo oo mararka qaar ay noqon jirtay in la isku safro
Madaxweynaha Dawladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ahaa qofkii mashruucan ka bilaabay Soomaaliya ayaa ka warbixiyey mashruuca iyo faa’idooyinkiisa waxa uuna uga mahad celiyey madaxda Mashruuca sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashruuca, kadibna waxa uu xariga ka jaray qolalka isgaarsiinta ee laga hirgeliyey Hirshabelle.
Gebo gabadii Munaasabadda ayaa waxa si toos ah la isugu xirey Gobolka Hiiraan, xafiiska Baarlamanka Hirshabelle, iyo Madaxtooyada oo dhamaan u wada hadlay qaab maqal iyo muuqaal.

                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item1 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0026-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item2 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0034-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item3 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0035-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item4 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0036-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item5 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0039-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item6 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0040-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item7 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0041-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item8 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0044-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item9 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0046-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item10 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0049-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item11 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0050-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item12 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0053-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5d35c51421399  .td-doubleSlider-2 .td-item13 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/07/IMG-20190722-WA0054-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }





                       Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qolalka isgaarsiinta


                            1 of 13

The post Madaxweyne Waare oo Daah Furay Mashruuca Qolalka Isgaarsiinta Hirshabelle appeared first on Jowhar.




SOURCE: Madaxweyne Waare oo Daah Furay Mashruuca Qolalka Isgaarsiinta Hirshabelle

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.