Magaalada Dhuusamareeb oo laga dhex raadinayo nin diley walaalkiis

0
232

Ciidamada amniga magaalada
Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa xaafadaha magaalada ka wada howlgal lagu
raadinayo ninkii ka dambeeyay dilka nin ay walaalo ahaayen oo  baxsaday.

Xalay ayaa la sheegay in lagu diley
xaafada Waaberi oo ka mid ah xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada
Dhuusamareeb nin dhalinyaro ah kaasoo dilkiisa uu ka dambeeyay nin ay walaalo
ahaayeen.

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafada Waaberi ee magaalada Dhuusamareeb ayaa saxaafada u sheegay in labada nine e walaalaha ah uu khilaaf soo kala dhex galay kadibna la diley mid kamid ah labada walaalaha ah. Hase yeeshee illaa hadda lama cadeyn waxyaabaha dhaliyay khilaafka sababay dilka.

Badanaa waxaa qoysaska Soomaaliyeed
ay isku khilaafaan arrimo la xiriira dhaxalka taasoo sababta gacan ka hadal
dhex  mara xubno isku qoys  ah.




SOURCE: Magaalada Dhuusamareeb oo laga dhex raadinayo nin diley walaalkiis

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.