Mahad Salaad “Filan waa ayey igu noqotay in ciidamo Itoobiyaan ah loo soo wato dagaal beeleed”

0
295

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay dagaallada ka socda deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, oo uu sheegay inay lama filaan ku noqotay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb galaan.Dagaalkan oo dhaxeeya beelaha Habar-gidir iyo Mareexaan ayaa dad badan ay ku dhinteen, waxaana maanta dowladda Soomaaliya ay u dirtay wafti nabadeed.Mahad Salaad ayaa sheegay in tani ay tahay taariikh madow oo qormaysa, una baahan in wax laga barto, islamarkaana horudhac u tahay wax badan oo in mudo ah uu ka digayey in ay soo socdaan.Inkasta oo uusan sharxin, haddana hadalka Mahad Salaad ayaa waxaa loo arkaa inuu u dhigmayey mid muujinaya in ciidamada Itoobiya loo soo watay beeshiisa Habar-gidir, ayada oo arrintaas ay aad ugu jirtay baraha bulshada maalmahan.Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad ee faceebok.DAGAALKA KAXANDHAALE WAA TAARIIKH MADOW OO QORMAYSA!Waxaan ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo colaada ka aloosan deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud. Colaad wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Dhulkana Alle ayaa u abuuray in aan ku cibaadeysano, deegaan iyo daaqsina ka dhigano ee Alle uma abuurin in aan isku dilno. Guurina maayo dhulkaan ee dadka walaalaha ee wada degan yaan la dabar goynin.Sidoo kale waxaan tacsi u diraynaa dadkii walaalaha ahaa ee dagaalkaas ku dhintay Naxariistii Jano Alle haka Waraabiyo. Inta dhaawaca ahna ilaahey ha-u-boogo dhayo. Aamiin.Sidoo kale waxaan canbaareynaynaa filanwaay iyo amakaagna nagu noqotay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud lagu soo qabto Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka barbar dagaalamaya maleeshiyo beeleedyo isku heysta deegaan iyo daaqsin!Waa taariikh madow oo qormaysa, una baahan in wax laga barto. Aanan isleeyahay waxay horudhac u tahay wax badan oo in mudo ah aan ka digaynay in ay soo socdaan natiijadeediina aan maanta aragno!Waan ku bogaadinaynaa mas’uuliyiinta dowlada ee maanta ku baxay sidii colaadaas loo damin lahaa. Ilaahey ha idiin fududeeyo. Waxaanan idinku boorinaynaa in aadnan ku mashuulin si deynta askar Itoobiyaan ah ee dagaal beelo ka dhaxeeya lagu qabtay ee muhiimada aad saartaan sidii loo xalin lahaa asbaabaha colaada dhaliyay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Meeshana looga saari lahaa faragelinta dowlada Itoobiya iyo ciidamadeeda.Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad




SOURCE: Mahad Salaad “Filan waa ayey igu noqotay in ciidamo Itoobiyaan ah loo soo wato dagaal beeleed”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.