Man Unitd Oo Dirqi Kaga Badbaaday Guuldaro Old Trafford Ku Soo Gaadhi Lahayd, Burnley Oo Dhibcihii Ugu Horeeyay Ka Lumisay Red Devils Iyo Solskjaer Oo Rekoodhkii Taariikhiga Ahaa Seegay.

0
61

Manchester United ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay ee kulankii Old Trafford guuldaro kaga badbaaday iyada oo Pual Pogba iyo Victor Lindelof ay noqdeen labada xidig ee Man United ka saaray xaalad murugo badan oo ay Old Trafford ugu jireen.
Kooxda Burnley ayaa 2-0 hogaanka ku haysay ilaa intii laga soo gaadhayay daqiiqadii 87 aad markaas oo uu Pogba rekoodhe ay United heshay uu ciyaarta kooxdiisa ugu soo celiyay laakiin Lindelof ayaa daqadii 92 aad United ka badbaadiyay guuldaro ay inta badan jamaahiirta United fisheen.
Manchester United ayaa inkasta oo ay guuldaro si wayn uga badbaaday waxay haddana lumisay laba dhibcood iyada oo Arsenal kaalinta afraad dhibco ahaan kula wadaagta Chelsea oo aan wali kulankeeda ciyaarin.
SHAXDII MAN UNITED VS BURNLEY
BURNLEY (4-4-1-1): Tom Heaton (c); Phil Bardsley, Ben Mee, James Tarkowski, Charlie Taylor; Jeff Hendrick, Jack Cork, Ashley Westwood, Dwight McNeil; Ashley Barnes; Chris Wood.
Kaydka: Joe Hart, Josh Benson, Stephen Ward, Johann Gudmundsson, Ben Gibson, Matej Vydra, Sam Vokes.
MANCHESTER UNITED (4-3-3): David De Gea; Ashley Young (c), Phil Jones, Victor Lindelof, Luke Shaw; Andreas Pereira Nemanja Matic, Paul Pogba; Juan Mata, Romelu Lukaku, Marcus Rashford.
Kaydka: Sergio Romero, Fred, Diogo Dalot, Chris Smalling, Jesse Lingard, Ander Herrera, Alexis Sanchez.
Manchester United ayaa doonaysay in ay gaadho guusheedii 9 aad oo xidhiidh ah laakiin kooxda Burnley ayaa iska caabin difaacasho u badan kala hor timid iyada oo qaybtii hore ee  ay Manchester United markii ugu horaysay ay ku fashilantay in ay hal bartilmaameed oo goolka ah samayso tan iyo markii Ole Gunnar Solskjaer uu badalay Jose Mourinho.
Kooxda Burnley ayaa qaybtii hore ee kulankan waxay samaysay hal bartilmaameed oo goolka United ah waxayna xaalada ku adkaysay Red Devils oo Old Trafford marti loogu ahaa iyada oo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu daawanayay kooxdiisa oo fursad abuuris fiican ku awoodi wayday in ay goolka ku bartilmaameedsadaan.
Wax walba oo ay qaybtii hore ee ciyaarta Man United iskugu dayday in ay goolal ku raadiso ayay si wayn ugu fashilantay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay babraro gool la’aan ah.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Ole Gunnar Solskjaer ayaa garoonka ugu soo laabtay isla ciyaartoydii uu shaxdiisa ku soo bilaabay inkasta oo ayna qaybtii hore soo bandhigin shaqadii uu ka doonayay.
Daqiiqadii 51 aad kooxda Burnley ayaa Manchester United kaga naxsatay goolka furitaanka kadib markii uu  Ashley Barnes uu awooday in uu dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Cork taas oo sabab u noqotay in 1-0 ay Burnley hogaanka ciyaarta kula wareegtay.
Waxay noqotay markii ugu horaysay ee Manchester United gool looga hormaray dhamaan kulamadii uu hore United u soo maamulay tababare Ole Gunnar Solskjaer waxaana United qasab ku noqotay in ay baadi goobto goolka barbaraha si ay ciyaarta ugu soo laabto.
Daqiiqadii 62 aad Solskjaer ayaa ciyaarta ka saaray Andreas Pereira wuxuuna kaydka uga yeedhay Jesse Lingard laakiin dhawr daqiiqo kadib waxa uu ciyaarta isna ka saaray Lukaku oo kulankan ku fashilmay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Alexis Sanchez.
Daqiiqadii 81 aad Burnley ayaa la timid goolkeeda labaad ee ay Manchester United xaalada ugu sii adkaysay kadib markii uu C. Wood awooday in uu dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay A. Westwood waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Burnley hogaanka ku dheeraysatay iyada oo ciyaarta 9 daqiiqo hadhsan yihiin.
Manchester United ayaa dadaal waali ah ku bixisay sidii ay daqiiqadaha kooban ee ay haysatay guuldaro uga badbaadi lahayd waxaana ciyaarta dib ugu soo celiyay Pual Pogba oo rekoodhe gool u badalay daqiiqadii 87 aad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Burnley hogaanka ciyaarta ku hayso.
Daqiiqadii 90+2 aad Manchester United ayay naftu ku soo laabtay kadib markii uu Victor  Lindelöf kooxdiisa ka caawiyay in ay guuldaro Old Trafford ku soo gaadhaysay ka badbaaday wuxuuna difaaca reer Sweden awooday in uu dhaiyo goolka ay United ku heshay halka dhibic ee kulankan.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah oo ay Manchester United si cajiib ah ugaga badbaday guuldaro ay qarka u saarnayd laakiin United ayaa iska lumisay fursad wayn oo ay cadaadiska ugu sii hayn kartay kooxaha Arsenal oo guul ka gaadhay Cardiff iyo Chelsea balse waxay ugu yaraan United ka badbaaday guuldaro Old Trafford ku soo gaadhaysay.
The post Man Unitd Oo Dirqi Kaga Badbaaday Guuldaro Old Trafford Ku Soo Gaadhi Lahayd, Burnley Oo Dhibcihii Ugu Horeeyay Ka Lumisay Red Devils Iyo Solskjaer Oo Rekoodhkii Taariikhiga Ahaa Seegay. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Man Unitd Oo Dirqi Kaga Badbaaday Guuldaro Old Trafford Ku Soo Gaadhi Lahayd, Burnley Oo Dhibcihii Ugu Horeeyay Ka Lumisay Red Devils Iyo Solskjaer Oo Rekoodhkii Taariikhiga Ahaa Seegay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.