MAN UNITED OO DIB U HELAYSA ADEEGYADA RASHFORD IYO MARTIAL.

0
78

Hadal ka farxiyay Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa waxaa uu kasoo yeeray Tabababaraha kooxdaasi Jose Mourinho.

Hadalkan ayaa ah in xidigaha Marcus Rashford iyo Anthony Martial ay kusoo Bilaaban doonaan kulanka ugu dambeeya Horyaalka Premier Leage England.

Mourinho ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo  shalay oo jimco ahayd  qabtay waxaana kulankooda gaba gabada Horyaalka kaga Hortagi doonaan Naadiga Watford.

Marcus Rashfrod ilaa sideed kulan ayuu kursiga keydka kasoo muuqday balse badal ayuu ku soo galay kulankoodii West Ham.

Dhanka kale warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ay suuro gal tahay Martial in uu kooxda isaga tago maadaama kulamadii ugu dambeeyay garoomada  uusan kasoo muuqan.

Warbaahinta qaar ayaa daabacaya in xidigan loo badinayo in uu gabi ahaanba boorsooyinkiisa kooxda ka qaato.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.