MAN UNITED OO FASAXAYSA ANTHONY MARTIAL SHARUUD ADAGSE DUL DHIGTAY KOOXAHA DOONAYA.

0
150

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan  in kooxda Man United ayaa Go’aan Rasmi ah ka gaartay Mustaqbalka Xidiga Anthony Martial oo  Garoonka old Trafford joogay in mudo ah.

Anthony Martial ayaa waxaa uu si wayn ugu dhibaatoonayaa in uu Bandhig wanaagsan  sameeyo iyadoona fashilkii ugu xumaa uu dhexda uga jiro.

Xidigan ayaa sidoo kale waxaa uu ku guul daraystay in qayb ka noqdo Xidigaha Xulkiisa Qaranka France ku matalaya Koobka Aduunka kadib markii la wada qiray in uu ku fashilmay kasoo muuqashada Shaxaha Jose Mourinho.

Martial ayaa waxaa uu kamid yahay xidigaha ugu wanaagsan United balse dad badan ayaa la yaaban sababta keenaysa in mar walba uusan helin kalsoonida Jose Mourinho.

Sidaa daraadeed waxaa loo badinayaa in dhawaan uu isaga tagi doono kooxda.

Ma cadda halka rasmiga ah ee uu ku sii jeedo balse waxaa dubrbadiiba soo baxaya kooxo badan oo si wayn u doon doonaya oo Qaarkood waxaaba ay ka dhisan yihiin Horyaalka Premier Leage.

Wargayska Daily Mail ayaa waxa uu daabacayaa in Maamulka Manchester United  Go’aankooda ugu dambeeya uu yahay in xidigan ay iska fasaxaaan Balse waxaa ay dul dhigeen hal sharuud oo aad adag taa oo ah in xidigan haba yaraatee uusan ku biiri Karin koox ka dhisan Premier Leage.

Arintan ayaa xidiga waxaa ay ku yeelan kartaa Saamayn Aad u balaaran maadaama Chalsea iyo Tottenham aad u doon doonayaan.

Waxaa sidoo kale warbixinta Daily Mail lagu xusay in Maamulka ay fahan san yihiin Heerka ay gaar siisan tahay tayada Xidigan aysana doonaayn in marnaba uu ka hor yimaado isagoo u ciyaaraya koox kale oo England ka dhisan halka waddo ee uu ku tagi karana ay tahay in Horyaalada kale ee caalamka uu aado.

Anthony Martial ayaa xili ciyaareedkan u saftay United ilaa 45 kulan guud ahaan Tartamada inkastoo kulamadaas inta badan la dhigayay kursiga kaydka waxaase uu saxiixay 11 Gool.

Xidigan aad ayay u jecel yihiin Jamaahiirta Kooxda mana cada halka mustaqbalkiisa uu si rasmi ah ugu dambayn doono.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.