MAN UNITED OO KU GUULAYSATAY SAXIIXEEDII UGU HOREEYAY XAGAAGAN XIDIGEE AYAY SOO QAADATAY?

0
178

Kooxda Manchester United ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay kuu guulaysatay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda waxaana xidigan in mudo ah ku raad joogay Jose Mourinho.

Waa xidiga Shaktar ee Fred ilaa january ayay daba taagnayd United balse haatan warbaainada wax ka qora arimaha ciyaaraha ayaa waxaa ay daabaceen in xidigan ay kooxda kusoo qaatay 43 milyan oo dhinaca kale u dhiganta 52.2 milyan Euro.

Red Divels ayaa Fred ka dhigatay bartilmaameedkeeda koowaad ee ay Old Traford Keento iyadoona xidigan ay caleemo qoyan kusoo dhawayn doonaan Xidigaha kooxda.

Jose Mourinho ayaa waxaa uu suuqa kala iibsiga ciyaartooyda u dajiyay qorshe ku aadan in ugu yaraan uu soo qaato 4 ciyaaryahan oo kala duwan oo ay kooxda baahi wayn u qabto.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.