MAN UNITED OO SAXIIXEEDA UGU HOREEYA KU GARAACI KARTA MAN CITY.

0
170

kooxda Man United ayaa waxaa aad ugu dhawdahay in ay soo xeri geliso Saxiixeedii ugu horaysay ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda waxaana suuro gal ah in ay ku garaacdo Man City.

Xidiga lagu magacaabo Fred ee ka tirsan shakhtar donetsk ayaa waxaa Jose Mourinho uu wadaa dadaaladii ugu dambeeyay ee uu doonayo in uu ku keeno Garoonka old trafford.

waxaa uu ka ciyaaraa khadka dhexe Mourinho ayaa in mudo ahna la raacyay indhaha.

waxaa uu Go’aan saday in uu kooxda Reer Ukrain isaga mana uusan kala saarin labada Manchester mida uu aadi doono.
waxaa uu kasoo jeedaa dalka Brazil isagoona qayb ka ah 23ka Xidig ee Xulka Brazil ku matalaya koobka aduunka.

hadii uu ku guulaysto see xero gelinta Fred Jose Mourinho waxaa ay noqon doontaa Talaabo Horumar leh oo uu ka sameeyay Suuqa kala iibsiga.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.