Maraykanka oo ku amray muwaadiniintiisa inay isaga baxaan dalka Ciraq

0
37

jowhar Somali News Leader
Dowlada Maraykanka ayaa ka codsatay dhammaan muwaadiniinteeda gaar ahaan shaqaalaha dowlada ee aan muhiimka ahayn inay isaga baxaan dalka Ciraq kadib markii ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa Maraykanka iyo Iran.
Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka oo amarkan bixisay ayaa waxa ay shaqaalaha Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraq u sheegtay in si dhaqso ah uga tagaan Ciraaq oo ay raacaan diyaaradaha ganacsiga.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka uu shalay ka digey in xooggaga taabacsan Iran laga dareemayo inay qatar ku yihiin xooggaga Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraq.
Ciidamada uu horkacayo Maraykanka ee kula dagaalamayay dalalka Ciraq iyo Syria ururka Daacish ayaa heegan buuxa la geliyay.
Milatariga Maraykanka ayaa geeyay Bariga Dhexe ciidamo badan oo ay ka mid yihiin maraakiibta xambaarada diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha wax duqeeya ee B-52,kadib markii uu Maraykanku sheegay inuu dareemayo halis ka soo socota dalka Iran.
Dowladaha Jarmalka iyo Netherland ayaa sidoo kale joojiyay tababaradii ay siin jireeen milatariga Ciraq.
Washington ayaa ku soo rogtey cunoqabatayno horleh Tehran kadib markii ay ka baxday heshiiskii Niyukliyerka ee Iran iyo dalalka xoogga leh ay gaareen.
Sidoo kale bishii la soo dhaafay ayaa Maraykanka waxa uu ku daray liiska argagaxisada ilaalada kacaanka Iran.
Xaaladahan isbiirsaday ayaa waxaa ka dhalan kara iskahorimaad u dhexeya Maraykanka iyo Iran,inkastoo hogaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei uu sheegay Talaadadii inuusan dagaal dhici doonin.
Inkastoo uu Maraykanku sheegayo in ay halis ka soo socota Iran ayaa hase ahaatee qaar kamid ah wadamada gaashaanbuurta laleh sida Britain ayaa aaminsan inaysan jirin halis ka soo socota xoogagaa ay taageerto xukuumada Iran ee jooga Ciraq iyo Syria.
The post Maraykanka oo ku amray muwaadiniintiisa inay isaga baxaan dalka Ciraq appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Maraykanka oo ku amray muwaadiniintiisa inay isaga baxaan dalka Ciraq

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.