MARCELO OO MAR KALE SOO HADAL QAADAY XIDIGA MOHAMED SALAH.

0
123

Saacado kooban ayaa inaga xiga in la ciyaaro Finalka Champions Leage oo ay ku dagaalami doonaan Hanashadiisa Kooxda Real Madrid iyo Liverpool.

Xidiga Marcelo ayaa waxaa uu ka hadlay ciyaartan iyo waxa laga filan karo isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay Laacibka Mohamed Salah iyo  sida ay ula tacaali doonaan Qaab Ciyaareedkiisa Cajiibka ah.

“Si fiican ayaan u naqaanaa waxa aan samayn doono,waana ognahay waxa aynu u baahanahay si aan kooxdayda u caawino ayuu hadalkiisa kusoo koobay xidiga Marcelo.

Waa markii labaad ee xidigan uu soo hadal qaado xidiga Mohamed Salah waxaana muuqata in uu si wayn u ogsoon yahay in kooxdan Liverpool ay tahay koox aad u wayn oo ay adag tahay si dhaqso ah looga taqaluso.

Dhanka kale waxaa uu iska difaacay hadal dhawaan kasoo yeeray macalin Klopp oo ku aadanaa in Marcelo uusan ku wanaagsanayn dhinaca daafaca waxaana uu yiri, Aniga kama aanan maqal isaga,balse dadka oo isla dhexmaraya ayaan maqlay,Aad ayaan ugu faraxsanahay Shaqadayda,Tababarahayga iyo Xulkaygaba waa ay ku faraxsan yihiin shaqadayda,sida ugu haboon ayaan ugutaa shaqadayda,

Marcelo waxaa uu aaminsan  yahay in uu kaalin wayn ka qaadan doono  Guul ay kooxdiisa ka gaarto Liverpool Dhowr Jeer ayuu warbaahinta kasoo muuqday isaga oo ka hadlaya kulankaan iyo arimo quseeya.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.