MARCELO OO SOO HADAL QAADAY MOHAMED SALAH KA HOR FINALKA CHAMPIONS LEAGE.

0
80

Xidiga kooxda Real Madrid kana soo jeeda dalka Brazil Marcelo ayaa gabi ahaanba waxaa uu meesha ka saaray in la yiraahdo Real Madrid ayaa ugu cad cad ku guulaysiga koobka aadka u qiimaha badan ee Champions Leage.

Waxaa uu sheegay in Liverpool aan lagu tilmaami Karin koox yar marka loo eego kooxaha kale ka hor kulanka sabtida nasoo aadan ka dhici doona Kiev ee labada koox ku Hardami doonaan ku guulaysiga Champions Leage.

Marcelo ayaa waraysi gaar ah siisay Website ay leeyihiin Xiriirka kubada cagta Yurup waxaana uu si wayn ugu cel celiyay inaysan kooxdiisa ku cad cadeen Hanashada Champions Leage.

“Kulamada Finalka ee Sidaan oo kale wax waliba ayaa suuro gal ah in ay kasoo baxaan sida ciyaaraha waa wayn xidig kastaa oo Real ka tirsan waxaa uu diyaar u yahay kulankaan muhiimka ah,kadib markii aan si wanaagsan u qaadanay Tababarka,si wayn ayaan kulankaan ugu diyaar garoownay.

Waxaa intaa uu kusii daray”Ma doonayno magacaabida Natiijada kasoo bixi doonto kulankaan,arinta ugu wayn waa inaan dadaal kusoo galno gudaha garoonka,waxa aan ku qanacsanahay in qofka uu guulaysan karo hadii uu adeegsado waxa uu hayo,isla markaana aad raacdo wadooyinka uu kuu xariiqay Tababarahaaga,ujeedka waa inaan si fiican u ciyaarno kadibna koobka gacanta ku dhigno.

Marcelo “Liverpool ma ahan kaliya Maxamed Saalax sababtoo ah waxay sidoo kale leeyihiin xido kale sida Roberto Fermino, iyo Ciyaaryahanka Sadio Mane,waxa ay leeyihiin awood ay kulanka kaga sameeyaan is badal,muhiimada waa inaan diirada saarin hal xidig oo kaliya.

Maxamed Saalax oo muujiyay Bandhig Cajiib ah tan iyo markii uu kusoo biiray Liverpool ayaa waxaa uu yahay mid ay si wayn u hadal hayaan kooxo badan balse Marcelo hadaladiisa ayaa waxaa ka muuqan kara in il gaar ah ay u yeelan doonaan Xidigaasi inta garoonka lagu jiro kulanka ugu dambeeya Chamions Leage.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.