Mareykanka: Annaga ayaa hubin doonna hir-gelinta heshiiska DF iyo Ahlu-Sunna

0
288

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto oo kamid ahaa xubnihii Beesha Caalamka ay waday dadaalka wadahalada Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca.
Donald Yamamoto oo soo saaray War saxaafadeed ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay mar kasta ka go’an tahay inay taageerto heshiisyada noocaan oo kale ah isla markaasna ay hubiso hirgelintooda si loo gaaro nabad iyo Xasillooni siyaasadeed oo ka hirgasho Soomaaliya.
“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Donald Yamamoto ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tanaasulka adag oo ay sameeyeen Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qeybsiga Xubnaha Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay labada dhinac inay hirgeliyaan heshiiskaan.
“Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale  tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska” Ayuu yiri.
“Ugu dambeyn Donald Yamamoto ayaa sheegay in Galmudug uu yahay gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug” ayuu Yamamoto kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.
Hadalkaan kasoo baxay Yamamoto ayaa kusoo aadayo xilli Maanta ay Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna heshiis ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada Galmudug iyadoo Ahlu Sunna loo ogolaaday inay soo xulaan 20 ka tirsan Xildhibaanada Galmudug.




SOURCE: Mareykanka: Annaga ayaa hubin doonna hir-gelinta heshiiska DF iyo Ahlu-Sunna

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.