Mareykanka iyo Kenya oo go’aan kama danbeyn ah ka qaadanaya Al-Shabaab (Warbixin)

0
364

Nairobi (Caasimada Online)-Xoghaye yaasha arimaha dibeda mareykanka iyo kenya ayaa la filayaa in kulan degdeg ah ay ka yeeshan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Kulanka Xoghaye yaasha ee looga hadlaayo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa gogol xaar u ah fadhiga ay yeelan doonaan isniita madaxweynaha mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kenya Uhuuro Kenyatta.
Kulanka ay yeelanayaan Michael Pompeo iyo Monica Juma ayaa looga hadlayaa waxyaabaha ay labada madaxweyne diirada saari doonaan is araga kulankooda oo ka dhacaya dalka mareykanka.
Madaxweynayaasha mareykanka iyo Kenya ayaa waxay isla soo qaadi doonaan xoojinta xiriirka fog ee labada dhinac u dhaxeeya arimaha ganacsiga iyo amaanka qaarada Africa, Soo afjarida dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Shabaab laga sifeeyo dalka Kenya.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya in Al-Shabaabka ku sugan Kenya lasoo afjaro iyadoo lala gali doona dagaal cirka iyo dhulka ah.
Dowlada Kenya oo ciidamo nabad ilaalineed ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaal waxay kula Jirtaa kooxda Al-Shabab oo sanadihii ugu danbeeyay weeraro ka geysaneysay gudaha dalkeeda,halka maamulka Trump uu xoojiyay weerarada dhanka cirka ee kooxdaas tan iyo markii uu xilka qabtay.
Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegay in uu kenya ka taageerayo dagaalka lagula Jiro kooxaha Argagixisada gaar ahaan ururka shabab.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa dhanka kale waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo diyaarada qaran ee kenya Airweys ay bilaabi doonto bisha October ee nasoo aadan dulimaad toos ah oo ay ku tageyso Nairobi iyo Newyork,kadib heshiis labada dowladood ay gaareen.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Mareykanka iyo Kenya oo go’aan kama danbeyn ah ka qaadanaya Al-Shabaab (Warbixin)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.