|

Mareykanka oo aqoonsanaya dokumentiyada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaacisay in tixgelin gaar ay siin doonto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland.
Mareykanka ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay nidaam kayd oo wanaagsan, gaar ahaan dhanka Hay’daheeda, isla markaana ay tixgelin gaar ah siin doonto Dhukumintiyada ka soo baxa Hay’daha Somaliland.
Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Dhukumintiyada dhalashada, kuwa guurka iyo dhimashada, ee ka soo baxa Somaliland ay u aqbalayaan qofka marka uu dalbanayo dal ku gal dalkooda.
Wasaarada ayaa qoraal ay Mareegteeda internetka ku baahisay, ku xustay in nidaamka keyd ee dowladda federaalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay midka Somaliland.
Warbixintaasi ay soo saartay Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanku, ayaa waxa laga dheehan karaa heerka kalsooni ee uu Mareykanku ka qabo Dhukumintiyada Dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com





SOURCE: Mareykanka oo aqoonsanaya dokumentiyada Somaliland

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application