Mareykanka oo war rasmi ah kasoo saaray haddii Iran ay ku lug lahayd weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay

0
139

Stuttgart (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa war rasmi ah kasoo saaray tuhunka laga qabo in Iran ay ku lug lahayd weerarkii Al-Shabaab ay shalay subax ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya.
Weerarkaas ayaa kusoo aaday laba maalin kadib markii Mareykanka ay 3-dii Janaayo dalka Iraq ku dileen Jeneralkii sare ee reer Iran ee Qassem Soleimani, oo Iran ay ku hanjabtay inay si darran uga aargudan doonto.
Hase yeeshee AFRICOM ayaa sheegay inay qiimeeyeen in weerarkii Manda Bay ee Al-Shabaab uusan wax xiriir ah la lahayn Iran.
“Inkasta oo ku lug lahaanshaha Iran ee weerarkaasi aan la tuhmeyn, haddana AFRICOM waxay la socotaa in dalal kale oo Iran ay ku jirto ay raadinayaan inay saameyn ku yeeshaan Geeska Africa.” Ayaa lagu yiri qoraal caawa kasoo baxay AFRICOM.
AFRICOM ayaa shalay xaqiijiyey in saddex qof oo Mareykan ah lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Mareykanka. Saddexda qof ee la dilay ayaa ka koobnaa hal askari iyo laba qandaraasle, oo laa shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga.
Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay laba askari oo kale oo Mareykan ah, oo xaaladdooda ay hadda wanaagsan tahay, sida lagu sheegay bayaanka AFRICOM.
Qoyska askariga ku dhintay weerarka ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabay Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir.
Henry Mayfield, oo deganaa duleedka magaalada Chicago, ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka
Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa tiri inuu qeyb ka yahay ololeheeda “Qudus Lama Yahuudeynayo”.




SOURCE: Mareykanka oo war rasmi ah kasoo saaray haddii Iran ay ku lug lahayd weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.