Markii Hore Saudi Arabia, Haddana UAE, Xulka Qatar Oo U Soo Baxay Finalka Koobka Qaramada Asia Iyo Badilaad XunU Gaystay Xulafadii Khaliitka Ee Siyaasada Ku Go’doomiyay.

0
72

Xulka qaranka Qatar ayaa wacdaro layaableh ka dhigaya koobka qaramada wadamada qaarada Asia ee Asian Cup kadib markii ay 4-0 ku dubteen xulka qaranka United Arab Emirates ee kulankii loogu soo baxay finalka tartanka koobkan, waxayna Qatar awooday in ay UAE marisay isla dariiqii ay soo tuseen xulka qaranka Saudi Arabia.
Xulka qaranka Qatar ayaa iska xaadiriyay finalka Asia Cup 2019 iyaga oo si raaxo leh ku jiiday marti galiyaasha koobkan ee UAE oo ceeb iyo waji gabax dalkooda kala kulmay xulka dalka ay siyaasad ahaan ku kal irdhoobeen ee Qatar.
Xulka Qatar ayaa goolkii furitaanka ee kulankii afar dhamaadka Asia Cup waxaa daqiiqadii 22 aad u saxiixay Choukhi wuxuuna noqday gool neefta dib ugu celiyay jamaahiirta kumanaanka ahaa ee soo buux dhaafiyay garoonka uu xulkoodu ku ciyaarayay laakiin Qatar ayaa soo bandhigtay ciyaar dhamaystiran oo ay guushan ugu qalmeen.
Laakiin daqiiqadii 37 aad murugada xulka UAE ayaa laba jibaarantay kadib markii uu xulka qaranka Qatar helay goolkiisa labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heleen waxaana goolkan u saxiixay Almoez Ali kaas oo lagu naanayso Rashford-ka carbeed wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Qatar hogaanka ku dheeraysteen.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay Qatar oo si raaxo leh hogaanka ciyaarta laba gool ugu hayay waxayna hawsha ugu wayni u taalay xulka marti galinaya koobkan ee UAE kaas oo aan awoodin in uu lugaha dhulka si fiican u saaro.
Daqiiqadii 80 aad ee xulka Qatar ayaa gabi ahaanba ciyaarta hursada ugu diray goolkooda saddexaad kadib markii uu Hassan Al-Haydos uu dhamaystiray goolka rajadii yarayd ee UAE gabi ahaanba burburiyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Qatar hogaanka ku raaxaysanayso.
Daqiiqadii 93 aad ee dhamaadkii ciyaarta Qatar ayaa ceeb iyo fadeexad guudka u saartay marti galiyaasha koobka qaramada Asia ee UAE kadib markii uu Hamid Ismail dhaliyay goolka afraad ee Qatar ay hiilfaha ugu sii qaatay UAE.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-0 ay Qatar ku xasuuqday xulka qay dalkiisa siyaasad ahaan cadaawada wayni ka dhexayso ee United Arab Emirates waxayna Qatar isku martay Saudi Arabia oo ay hore 2-0 ugu soo garaacday, Iraq, South Korea iyo waliba UAE oo ay dambaska kaga dhigeen dalkooda. Qatar ayaa finalka koobka Asian Cup 2019 ku wajihi doona xulka Japan.
 
The post Markii Hore Saudi Arabia, Haddana UAE, Xulka Qatar Oo U Soo Baxay Finalka Koobka Qaramada Asia Iyo Badilaad XunU Gaystay Xulafadii Khaliitka Ee Siyaasada Ku Go’doomiyay. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Markii Hore Saudi Arabia, Haddana UAE, Xulka Qatar Oo U Soo Baxay Finalka Koobka Qaramada Asia Iyo Badilaad XunU Gaystay Xulafadii Khaliitka Ee Siyaasada Ku Go’doomiyay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.