MASAR: GABADH AROOSKEEDA LA DIYAARINAYEY OO AASKEEDA LOO DAREERAY

0
608

Dhacdo aad u layaab badan ayaa ka dhacday Dalka Masarl kadib markii gabadh magaceeda la odhan jiray Tuqa Naaji oo wax ka baran jirtay Jaamacadda Banha gaar ahaan Kuliyadda Arts­ka lagula kacay arrin aad u fool xun oo dhaqanka iyo Diintaba ka soo hor jeeda.

Tuqa Naaji ayaa waxa ay u diyaar garoobaysay Arooskeedii waxa aanay ehelkeedu ku hawlanaayeen sidii ay gurigeeda u gogli lahaayeen, laakiin ehelka Gabadhan oo ku maqnaa Gurigii cusbaa ee loo goglayey ayaa waxa ay ugu soo noqdeen gurigoodii oo ay marka hore kaga tageen Tuqa oo Meyd ah isla­markaana dhiiggii ka daatay uu ku baahay gurigii.

Kadib markii la eegay Tuqa waxa la arkay 19 meelood oo laga galiyay Mindi, sidoo kalena waxa la arkay xubno jidhkeeda ka mid ah oo la jarjaray

Arrintan aragagaxa badan ayaa waxa ay Ciidanka Dalka Masar ay ku sheegeen inay tahay arrin aad u fool xun, waxa kale oo ay sheegeen in qofka Falkan gaystay uu yahay qof rabay in uu Tuqa Kufsado waayo? Ma jiro wax guriga yaalay oo laga xaday, waxa aanay sidoo kale ciidamadu sheegaan in la daba gali doono

dhammaan Dadkii ku soo noqnoqan jiray Guriga si looga dhex ogaado dambilii ku kacay falkani aadka u foosha xun . Dalka Masar ayaa waxa had iyo jeer ka dhaca arrimo aad u la yaab badan, gaar dhinaca Dilalka, balse waxa badan inta lagu guulaysto in gacanta lagu soo dhigo Danbiilayaasha ku kaca falalkaasi.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.