MASHAQADA DHAAWACYADA ARSENAL IYO KULANKA CAAWA.

0
211

Kooxda Arsenal ayaa waxaa suuro gal ah in ay shaxdeeda caawa laga dhex waayo xidigo laf dhabar u ah kuwaa oo siyaabo kala duwan u maq naandoona.

Arsen Wenger waxaa uu rajo xumi ka muujiyay in uu helo adeegyada ciyaartooyda kala ah Ozil,Laurent Kocsielny.

Waxaa uu  shaaca ka qaaday in Xidigiisa Ozil uusan filayn in uu garoomada kusoo laabto inta ka dhiman xili Ciyaareedkan.

Halka uu ku sheegay xaalada Laurent Kocsielny in ay tahay mid aad u xun ayna suuro gal tahay in uu garoomada ka maqnaado ilaa 6 bilood.

Mohamed Elneny oo qaba dhaawac Dhanka Kuraanta ah ayaa sidoo kale waxaa uu kamid noqon doonaa xidigaha seegi doona kasoo muuqashada Kulankaan.

Lieceter City ayaa wali waxaa ay wal wal xoogan ka qabtaa halka la marin doono xidigeeda Marc Albarighton oo kaarka casaanka ah qaatay kulankii ay wajaheen Crytal Place.

Inkastoo mashaqo dhanka dhaawacyada ah ay dhex dabaalanayso kooxda Arsenal hadana Wargayska Daily Mirror ayaa waxaa uu Soo bandhigay Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood ay kusoo geli karaan.

Lieceter City: Hamer, Benalauane, Morgan,Fuchs,Mahrez,Iborra,Choudhury,Gry,Diabate,Vardy.

Arsenal: Cech,Bellerin,Mavropanos,Chambers,Monreal,Xhaka,Wilshare,Ramsey,Mkhitaryan,oubamayeng,Lacazette.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.