MASMMILIANO ALLEGRI OO HAL SHARUUD KU XIRAY IMAATINKIISA ARSENAL.

0
212

Tababaraha kooxda Juventus ayaa waxaa uu hal sharuud oo aad u adag ku xiray in uu si rasmi ah u yimaado garoonka fly Emarates ee ay ku ciyaarto naadiga Arsenal.

Maamulka kooxda Arsenal ayaa waxaa ay doonayaan in booska maanta uu bananaynayo Arsen Wenger ay ku badalaan Tababare Alegri oo 50 Jir ah oo ay aaminsan yihiin in wax badan uu qaban karo.

Balse Masmmiliano Allegri ayaa waxaa sheegay hadii kooxda uu ku biirayo in uu  doonayo in ay maamulka bixiyaan marka ugu horaysa  aduun lacageed oo gaaraya 200 oo milyan oo EURO si uu uga soo iibsado Xidigo gaaraya ilaa 5 oo uu u adeegsan karo dib u soo celinta Arsenal-shii la yaqaanay.

Waxaa uu diyaar u yahay hadii sharuudaasi la fuliyo in uu isaga tago Juventus oo uu xiligan la qaadanayo waayo aad u wanaagsan isagoona la ogaaday in uu xiiso waali ah u qabo mar uun in uu hogaamiyo Kooxda Faca wayn Ee Gunners Arsenal.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.