Mas’uul kale oo ka tirsan DFS oo xilkii looga qaaday eedeyn musuq maasuq

0
261

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii xoogeysanayo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ka tirsan ee xilka looga qaadayo arrin la xiriirta musuq maasuq kadib markii ay dowladda bilowday dagaal arrintaas ku saabsan oo la doonayo in lagu yareeyo.
Warark hadda ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa muujinayo in xilkii laga qaaday Agaasimihii Waaxda Dhaqancelinta Maleeshiyada laga soo qabto ururka Al -Shabaab u qaabilsanaa Wasaaradda Amniga Gudaha.
Mas’uulka xilka laga qaaday ayaa lagu magacaaba Cabdirashiid Ibraahin Maxamed oo loo yaqaano (Karanle).

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan sababta keentay xil ka qaadista lagu sameeyey Mas’uulkaan ayaa haddana waxaa la isla dhex marayaa inay tahay arrin ku saabsan musuq maasuq la sheegay in lagu ogaaday.
Dowladda federaalka soomaaliya ayaa dhawaanahanba waday olole ay shaqo joojin iyo xilka qaadis ay ugu sameyneyso masuuliyiinta lagu soo eedeeyo lunsashada lacagaha qaranka iyo gudasho la’aanta shaqadooda.
Mas’uulkii ugu dambeeyey ee shaqo joojin lagu sameeyey ayaa ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo lagu eedeeyey arrimo musuq maasuq ku saabsan.
Kiiska loo heysto Mukhtaar ayaa ugu dambeyn keentay in Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu soo saaro digreeto uu shaqada kaga joojinayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Mas’uul kale oo ka tirsan DFS oo xilkii looga qaaday eedeyn musuq maasuq

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.