Maxaa hor-taagan fulinta qisaasta maxaabiista u xukuman DF SOMALIA?

0
250

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya xukunada dilka ah oo ay rido Maxkamada Ciidamada Qalabka sida kuwaa oo intooda badan lagu rido Maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Askarta dilalka geysata.
Xukunada Maxkamada oo si isdaba jooga u dhaca ayaa waxaan jirin cid lagu fuliyo dilka xukunka ah oo ay rido Maxkamada, taa oo shaki galisay shacabka sharciga u dhaga raacinaaya.
Xukunada ugu badan ee dhaca oo dil ah ayaa waxan jirin cid loo toogto Xukunkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhalinyarada ugu badan ee dilka ku xukuman ay yihiin kuwo geystay xasuuq ba’an sida dilal iyo Qaraxyo.
Dadka shacabka ah ayaa xukunka aan qisaasta laheen ka muujiyay shaki ba’an xili Garsoorka dalka lagu tilmaamo mid aan loo marin wadadii loo jideeyay ee cadaalada ku saleysneed.
Isaaq Maxamuud Aadan oo kamid ah dadka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay ka sugayaan in xukunta qisaasta lagu fuliyo boqolaalka Al-Shabaab ee xukunka ku dhacay.
Isagoo u waramaayay Caasimada Online ayuu sheegay in shaki ay ka qabaan Xukunka aan fulinta laheen, waxa uuna sheegay in Xabsiga Dhexe ee dalka ay ku xiran yihiin Al-Shabaab farabadan oo lagu xukumay dil toogasho ah, hase ahaatee aan lagu fulin sharciga.
Waxa uu sheegay in amniga dalka uu yahay mid ku xiran fulinta xukunka horay u dhacay, waxa uuna carab dhabay inay shaki ka qabaan xukunka sida joogtada ah u dhaca ee aan qisaastiisa la maqal.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Maxkamada laga doonaayo inay xooga saarto sharci ku fulinta Askarta dowlada ee ku jira Xabsiyada kuwaa oo uu sheegay inay geysteen dilal badan.
Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayaa Maxkamada ka dalbaday in la dadajiyo Xukunada Al-Shabaabka iyo Askarta u xiran dilalka, si meesha looga saaro ku xadgudubka shacabka aan waxba galabsan ee waddooyinka lagu dilo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Maxaa hor-taagan fulinta qisaasta maxaabiista u xukuman DF SOMALIA?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.