Maxaa ka danbeyn doona soo dhaweyntii ujeedada badneyd ee Xasan Sheekh? (Qodobo)

0
259

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa asbuucii tagay dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh 18 bill kadib oo uu ka tirsanaa Qurba-joogta, waxaana soo dhaweeyay Qeybo kala ujeeda duwan lkn ka wada midaysan qeybsiga dhibkiisa iyo dheeftiisa sida; Dawladda Nabad & Nolol, Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Dhaqankii ku tiirsanaa Siyaasada.
Hadaba Madaxweynihii hore waxaa horyaal waddooyin adag oo ku kula bayra isgooska KM4, una baahan go’aan adag, mida uu marayo, mid kastana leedahay dhib iyo dheef Siyaasadeed. Tusaale;
1-Dawladu waxa ay ka rabtaa in ay gacanta ku hayso, ayna bixiso Amnigiisa iyo Gunadiisa, uuna noqdo Oday wax la toosiya.
2-Siyaasiyiinta Mucaaradka waxa ay ka rabaan in ay ku badsadaan dhibcaha Siyaasadda una kaashadaad dagaalka dawladda.
3-Dawlad Gobaleed-yadii uu dhaqaalayn jiray waxa ay ka rabaan in uu garab istaago, kuraastana ku celiyo, kana qabto Federaalka.
4-Oday dhaqameedyadu waxa ay ka rabaan in uu u soo celiyo kaalintoodii Siyaasadeed ee soo xulista Xildhibaanada 2020.
5-Dawladaha safka hore arrimaha Somaaliya ee kasoo horjeeda Isbahaysiga Qatar iyo Turkey waxa ay ka rabaan in uu mideeyo, hogaamiyana Mucaaradka dawladda.
 HADABA MAXAA LA GUDBOON ODAYGA:
1-In uu qeyb ka noqdo xalka Somaaliya ee uusan qeyb ka noqon mushkilada Somaaliya.
2-In uusan eed cusub ku darsan eedihii hore.
3-In uusan la kala safan dawladaha faraha badan ee noo dhisan iyo mucaaradka badan ee noo jooga.
4-In dhaawac kale uusan kasoo gaarin taageero shisheeye.
5-In Musharaxnimadiisa uu ka hor mariyo nabad doon-nimo, raadin xasilooni Siyaasadeed iyo dawlad-nima waarta.
W/Q Mohamed Gacal (Dr Gacal)




SOURCE: Maxaa ka danbeyn doona soo dhaweyntii ujeedada badneyd ee Xasan Sheekh? (Qodobo)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.