Maxaa ka jira in la khaarijiyay Madaxii ‘’Kooxda Madaafiicda’’ Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab?

0
128

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al Shabab.
Bartilmaamedkan oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa si wada jira u fuliyay ciidamada dowlada iyo kuwa Mareykanka.
Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo dhinaca amaanka ah sarkaalka la bartilmaameedsaday ayaa lagu magacaabaa Bashiir Maxamed Qoorgaba oo Al-Shabaab u qaabilsanaa ‘’Madaxa Kooxda Madaafiicda’’ kana mid ah Saraakiisha ugu miisaanka culus Xagjiriinta Somalia.
Warar kani ka duwan ayaa sheegaya in Bashiir Maxamed Qoorgaba uu ka badbaaday weerarka balse uu soo gaaray keliya dhaawac aan sidaa usii buurneen, halka qaarna ay tibaaxayaan in la qaarijiyay.
Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka oo u waramay VOA ayaa rumeysan in Bashiir Maxamed Qoorgaba uu ku dhintay weerarka, wallow saraakiil ku sugan nawaaxiga magaalada Jilib la faray inay turxan bixiyaan xaqiiqda khasaaraha weerarka.
Sidoo kale, Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay inay howlgalka ka qaadeen Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah Maamulka Jubbaland, halkaasi oo Saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ah ee sida gaarka ah u tababaran.
Docda kale, Hawlgalkan qorsheysan ee Talaadadii ciidamada ay ku qaadeen nawaaxiga magaalada Jillib ayaa qayb ka ah hawlgalo sida la sheegay dhawaan gobolka ka bilaaban doona.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Maxaa ka jira in la khaarijiyay Madaxii ‘’Kooxda Madaafiicda’’ Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.