Maxaa ka jira in nidaamka shaqaaleysiinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre uu qabiil ku saleysan yahay?

0
43

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinno lagu faafiyay qaar kamid ah website-yada Soomaalida ayaa xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ku eedeysay shaqaaleysiin qabiil ku saleysan, ayada oo aan lasoo bandhigay wax caddeymo ah oo arrintaas taageeraya.Warbixinnada ayaa si gaar ah u bar-tilmaameedanayay xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Axmed-Nuur Maxamed oo muddo kooban xilka ku magacaaban, balse dib-u-habeyn ballaaran ka billaabay nidaamka shaqo ee xafiiska.Si kastaba liis 24 magac ka kooban oo ku caddaa warqadaha codsiga kaararka shaqaalaha xafiiska ayaa lagu ogaaday in laba qof oo kaliya ay ku heyb yihiin Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isulwasaaraha.Sidoo kale waxaan ogaannay in aysan jirin shaqaale cusub ee la qoray balse warqadaha la faafiyay ay yihiin kuwa loogu dalbayay shaqaalaha cusbooneysiinta kaararka aqoonsiga.Halkan hoose waxa aan ku soo bandhigeynaa magacyada iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan shaqaalaha ay magacyadoodu ku caddaayeen warqadaha codsiga kaararka aqoonisiga ee la baahiyay:MagacaQabiilkaUmukhayr Fu’ad AliDir/IsaaqXuseen ibraahin CaliIsaaq/DirHodan Nuur cabdiDir/DaqoodiAbdi BarudDir/IsaaqAbdifitah AbdinurDir/IsaaqMustaf Abdi AliDir/IsaaqNaima Yusuf SaladMohamed Husein MohamedDaarood/MajeerteenZakariye Mohamed IbraahinHawiye/SheekhaalSuuban Hesien JamaMajeerteenCabdiracman Maxamed GuutaaleDir/IsaaqMohamed Moalim SaidDaarood/OgaadeenSagal Naasir ShiddoHawiye/Habargidir/SacadMahdi Husein AbdulleIsaaq/DirOmar Mohamed OsmanHawiye/HabargidirAbdirashid HajinurHawiye/DudubleCiise Aadan CabdiraxmaanDir/IsaaqFaadumo Ali NuradinHawiye/AbgaalAbdul Mohamed MakaraanHawiye/XawaadleAhmed Mohamed Sa’idDir/IsaaqAbdi Ali RageDaarood/OgadenAli Ibrahin CaliDigil iyo MilifleAbdirahman Warsame AbdiDaarood/MajeerteenHana Ahmed IgalDir/Samaroon Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Maxaa ka jira in nidaamka shaqaaleysiinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre uu qabiil ku saleysan yahay?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.