Maxaa ka jira in Sacuudiga ay Kheyre ku qanciyeen in uu aqbalo HESHIISKA DP World ee dekeda Berbera?

0
269

Riyadh (Caasimada Online) – Dawladda Sucuudiga, ayaa la sheegay inay ku qancisay dawladda Soomaaliya inay joojiso dagaalka mucaaradeed ee ay kaga soo horjeedo mashruuca horumarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ee DP world.Wargeyska The Indian Ocean, ayaa cadadkiisii jimcaha qoray in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo safar ku tagay dalka Sucuudiga maalmihii la dhagax dhigayay balaadhinta dekedda Berbera, uu boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, maalin ka hor xafladii dekedda lagu balaadhinayay u bandhigay sida adag ee ay dawladiisu uga soo horjeedo maalgashiga DP World ee dekedda Berbera.Laakiin boqorka Sucuudiga ayaa aakhirkii ra’iisal wasaare Khayre ku qanciyay inuu joojiyo mucaaradada uu ku hayo maalgashiga DP World ee Berbera, iyadoo lagu bedelanayo caawimo dhaqaale oo lagu caawinayo dawladda Soomaaliya si ay u bixiso mushahaharka askarteeda iyo saraakiisha Booliska.Sida uu qorayo wargeyska the Indian Ocean, wuxuu boqorka Sucuudigu u sheegay Xasan Cali Khayre inaanu farogelin maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland ee balaadhinta dekedda Berbera.“Muqdisho markaas way joojisay inay ku qayliso saxeexii 12 Oktoobar ee qandaraaska $101 milyan dollar ee  dhex maray  shirkadda Imaaraatiga ah ee ee Shafa Al Nahdah iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee ku saabsanaa wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera.” Ayuu yiri wargeysku.Ma jiro war madaxbanaan oo xaqiijinaya warbixintan uu shalay baahiyay wargeyska The Indian Ocean, islamarkaana xiriir aan la sameynay xafiiska Kheyre, waan ka weynay wax jawaab ah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com 




SOURCE: Maxaa ka jira in Sacuudiga ay Kheyre ku qanciyeen in uu aqbalo HESHIISKA DP World ee dekeda Berbera?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.