Maxaa Ka Jiray Wararkii Sadio Mane La Xidhiidhinayay Real Madrid? Mane Oo Ugu Danbayn Si Buuxda Uga Jawaabay Su’aasha Xantii Madrid.

0
41

Intii lagu jiray suuqii kala iibsiga xagaagii la soo dhaafay ee bilawgii xili ciyaareedkan waxaa jiray warar xoogan oo Sadio Mane la xidhiidhinayay kooxda Real Madrid iyada oo xataa ay wargaysyada qaar shaaciyeen in xidiga reer Senegal uu heshiis hordhac ah la sii gaadhay maamulka sare ee Real Madrid.
Laakiin Sadio Mane ayaa ugu danbayn si buuxda uga jawaabay wararkii xanta ahaa ee la xidhiidhinayay kooxda Real Madrid wuxuuna cadeeyay in ay ahaayeen warar aan run ahayn balse aanu Liverpool ku badalanayn Real Madrid. Mane ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo shan sanadood uu Anfield ku sii joogayo.
Sadio Mane ayaa soo bandhigay sidii ay Mohamed Salah iyo Roberto Firmino u waydiin jireen waqtiga uu heshiiska cusub kooxdooda u saxiixyo iyo waliba jawaabtii uu saaxiibadiisa Anfield ka siin jiray su’aalaha ay mustaqbalkiisa ka waydaynayeen.
Sadio Mane oo ka jawaabaya wararkii xanta ahaa ee isaga Real Madrid la xidhiidhinayay horaantii xili ciyaareedkan ayaa majalada Soccer Magazine u sheegay: “Wararka xanta ahi waa qayb ka mid ah kubbada cagta, waxaad baranaysaa sida loola noolaado ee aan wax aad halis ah loogu qaadan. Waxa dhan ee aan sheego karo ayaa ah in kaliya aan ka fikiro Liverpool”.
Sadio Mane oo ka hadlaya su’aalihii ay Mohamed Salah iyo Roberto Firmino ka waydiinayeen in uu heshiiska cusub saxiixo ayaa yidhi: “Mo ,Bobby… iyo qof kastaaba waxa uu u muuqday in uu heshiiska saxiixayay waxayna igu odhan jireen: ‘Hey Sadio, goormaad adiguna saxiixaysaa?’ Waxaan mid kastaba ku idhi: ‘ Waxba ha ka walwalina walaal, waan saxiixi doonaaye. Kadib maxaan sameeyay?- waan saxiixay, sidaa daraadeed hadda iyagu (Salah & Firmino) way faraxsan yihiin”.
Intaa kadib Sadio Mane ayaa farxad wayn ka muujiyay kooxdiisa Liverpool wuxuuna yidhi: “Anigu aad ayaan halkan ugu faraxsanahay waxaanan filayaa in sidoo kale ay dadkuna aniga igu faraxsan yihiin. Waxaanu doonaynaa in aanu magacayaga ku garab qorno kuwii waa waynaa ee sheekada kooxdan. Waxaan rajaynayaa in ay bilaw u tahay wax khaas ah”.
The post Maxaa Ka Jiray Wararkii Sadio Mane La Xidhiidhinayay Real Madrid? Mane Oo Ugu Danbayn Si Buuxda Uga Jawaabay Su’aasha Xantii Madrid. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Maxaa Ka Jiray Wararkii Sadio Mane La Xidhiidhinayay Real Madrid? Mane Oo Ugu Danbayn Si Buuxda Uga Jawaabay Su’aasha Xantii Madrid.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.