Maxaa ka ogtahay ujeedka dadka Soomaalida loogu xasuuqdo MOOYAALE?

0
139

Mooyaale (Caasimada Online) – Magaalada Mooyaale waa dhul Strategic ah  oo  dhaca Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, laakiin ay maamusha dowlada Itoobiya, waxaase halkaasi ka qarxay Dagaal kulul Oo udhaxeeya Oromada Iyo Soomaalida oo salka ku haysa xiriirka maamulka deegaanka iyo waliba cidda asal ahaan leh dhulka uu dagaalku ka socdo.
Soomaalida ku nool Mooyaale waxaa soo weeraray ururo hubeysan oo katirsan Oromada sida ONLF iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaalida u gaarsanaya, xasuuq badan ayaa halkaasi loogu geystay shacab u badan oo haween iyo caruur isugu jira islamarkaana ah Soomaali.
Cadaawad fog oo loo qabay Soomaalida ayaa lagala dul dhacay markii taliska Itoobiya uu cafis u fidiyay jabhadaha hubeysan ee Oromada iyadoo wax dib u heshiisiin ah lakala dhex dhigan iyaga iyo Soomaalida waxaana ujeedka loo dilayo ay tahay  dadka Soomaalida in lagala wareego Magaalada Mooyaale oo isku xerta deegaano kala duwan islamarkaana ah goob muhiim ah.
Ra’isul wasaaraha Itoobiya markii uu xilka la wareegay ilaa imika waxa uu wadaa isbadal waxaana uu sabab u noqday in shacabka Soomaaliyeed ee reer Mooyaale la laayo, maadamada  Oromadii oo hubkeedii wadata lagu dhex daayay Magaalada iyadoo liiska argagixsada laga saaray dhowr ururu oo halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed.
Dagaalka ayaa sidoo kale saameeyay deegaano ku dhaw dhaw Mooyaale oo Soomaalidu ku nooshahay, ciidamada taliska cabdi ileey iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa qeyb ka ah dagaalka lagu xasuuqayo  shacabka  oo qaarkood hadda u barakaceen dalka Kenya.
Taliska Itoobiya wali colaadan dagaal sooma dhex gelin mana jirto wax war ah oo uu ka soo saaray, iyadoo geesta kale aysan jirin cid caawineysa Soomaalida oo aad loo laaynayo, Xiisadaan u dhaxeysa Qabaa`iladaan ayaa salka ku haysa arimo la xiriira maamulka deegaanka iyo waliba cidda asal ahaan leh dhulka uu dagaalku ka socdo.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com






READ MORE FROM THE SOURCE: Maxaa ka ogtahay ujeedka dadka Soomaalida loogu xasuuqdo MOOYAALE?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.