Maxaa keenay xilligan in Ra’iisul Wasaare Kheyre la wareego howlaha dib u habeynta Ciidamada [Wrbixin]

0
81

jowhar Somali News Leader
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la wareegay howlaha tirakoobka iyo dib u habeynta Ciidamada oo todobaadyo uu jahwareer badan ka taagnaa, kaddib markii ay gadood sameeyeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Tallaabooyinka lagu tirakoobayo Ciidamada ayaa durba ka dhashay qeyla dhaan, kaddib markii ay hakaday mushaarkii Ciidamada iyo raashinkii ciidamada, waxaana taasi keentay Ciidamo badan ay ka soo baxaan difaacyadooda, iyagoo ku andacoonaya in aan mushaar iyo xuquuqba helin muddo afar bilood.
Arrimaha ugu waa weyn ee taagan ayaa ah qaabka ay u socoto diiwaan gelinta Ciidamada, iyadoo su’aalo badan ka yimaadeen waxa xilligan ku soo beegay.
Madaxweyne Farmaajo oo labadii sano ee la soo dhaafay ku guda jiray howlaha dib u habeynta Ciidamada, dhowr jeerna saldhigtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, si uu dib ugu qaabeeyo Ciidamada qalabka sida ayaa culeysyo badan oo gudaha iyo dibadda ka soo wajaheen.
Madaxweyne Farmaajo oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida, ayna hoos taggaan dhammaan talisyada Ciidamada ayaa ku adkaaday howlaha dib u habeynta iyo dib u dhiska Ciidamada,
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu go’aansaday in howlaha ciidamada uu ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, maadaama dhowr caqabadood uu kala kulmay.
Ilaha muhiimka ayaa sheegaya in Madaxweynaha lagula taliyo in arrimaha Ciidamada u daayo Ciidamada, si aanay eed uga imaan haddii uu wajaho, maadaama ciidamada ugu badan ee ku sugan Muqdisho iyo Labada Shabeelle ay ka soo jeedaan beelo gaar ah.
Sidoo kale Beesha caalamka ayaa iyana door biday in howsha dib u habeynta ciidamada uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha.
Arrimahan oo dhan waxay keeneen in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa ay gacanta la galaan arrimaha ciidamada, waxaana si toos ah uga shaqeynaya wasaaradaha Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Diiwaangelinta ciidamada oo ahayd arrinta ugu adag ee hortaalla dowladda ayaa hadda gabagabo ku dhow, waxaana qorshaha dib u habeynta ciidamada ee uu wado Ra’iisul Wasaare Kheyre soo dhoweeyay beesha Caalamka, iyadoo faahfaahin laga sugayo inuu ka bixiyo shirar ka dhacaya horaanta bishan magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
The post Maxaa keenay xilligan in Ra’iisul Wasaare Kheyre la wareego howlaha dib u habeynta Ciidamada [Wrbixin] appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Maxaa keenay xilligan in Ra’iisul Wasaare Kheyre la wareego howlaha dib u habeynta Ciidamada [Wrbixin]

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.