Maxaa ku qornaa waraaqihii ay Diyaaradaha dagaalka ku daadiyeen Tuulada Basra?

0
29

Balcad (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka a Shabeelada dhexe ayaa sheegayo in diyaarado dagaal ay halkaas ku daadiyeen waraaqo digniin ah.
Sida ay sheegeen dadka deegaanadaas dagan diyaarado jawi hoose ku socdo ayaa waraaqo ku daadiyey deegaanada Shabeelada Dhexe ka tirsan.
Meelaha waraaqaha ay diyaaradahaas ku daadiyeen ayaa waxaa kamid ah Tuulada Basra oo dhawr iyo Toban Km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyadoo la arkayey dadka deegaanadaas oo si weyn u akhrisanayo waraaqaha digniinta ah ee la daadiyey.
Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayo deegaanka Basra waxaana dadka halkaas dagan looga digay inay u dhawaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada iyo Madaxda Al-Shabaab.
Waxaa durba lasoo sheegayaa inay cabsi weyn ka taagan tahay halkaas isla markaasna dadka qaar ay bilaabeen inay isaga guuraan meelaha u dhow saldhigyada iyo xarumaha ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab maadaama laga cabsi qabo in halkaas lala beegsado duqeymo.
Ilaa hadda arrintan ma aysan ka hadlin Madaxda Maamulka Shabeelada hoose sidoo kalana wax war ah oo kasoo baxay Shabaab ma jirto oo arrintaan ku aadan.
Sidoo kale meelaha waraaqaha lagu daadiyey ayaa waxaa kamid ah qeybo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Maxaa ku qornaa waraaqihii ay Diyaaradaha dagaalka ku daadiyeen Tuulada Basra?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.