Maxaa sababay khilaafka Tababare Unai Emery iyo Laacib Mesut Ozil

0
129
Waxaa todobadyadii ugu dambeeyay xumaaday xiriirka u dhaxeeya ciyaryahan Mezut Ozil iyo tababarihiisa kooxda Arsenal Unai Emery taas oo loo aaneynayo qaab ciyaareedkiisa liita uu garoomada kusoo bandhigay ciyaryahanka. Khilaafkooda ayaa soo bilowday bishi Desembar ee sanadkii tagay iyadoo xiligaas wixii kadambeyay uusan kasoo muuqan kulama badan garoomada. “Ozil waa ciyaaryahan qaab ciyaareedkiisu marna fiicanyahay marna uu liita” taas oo ula jeeda ciyaaryahan aan jogta ehen kooxdana waxba uusan uqaban karin. Xidigaan 30 jirka ayaa ah laacibka ugu musharka badan kooxda isagoona todobaadkii qaato 350 kun oo giniga istirlinka ah. Mezut Ozil ayaa loo dhaliila marka ay kooxda guul dareysato kulama qaar taas oo micnaheeda ah in uu yahay laacibka ay kooxda kutashato ama ay kutirsanaato Dhaliishu waa caadi hadii uusan ciyaryahanka u dheelin si wanaagsan balse maaha in kaligiis la dhaliilo iyadoo 10 ciyartooy kalana ee garoonka ku jiraan Ozil “In dadku aysan diirada saareynin qaab ciyaareedkeyga balse ay u isticmalalayaan marmarsiyo ahaan marka ay kooxda si wanaagsan uu ciyaarin” Marar kala duwan ayaa su’aalo la geliyay hab ciyaareedkiisa taas oo aan kamid ah dadka geliyay su’aalaha hanaan ciyaareedkiisa iyadoona todobaadyadii u dembeeyay ay sii korortay falaqeynta lagu haaya ciyaaryahanka. Nin kaan ayaa iska casilay u ciyaarista xulka Jarmalka koobkii addunka kadib taas oo uu go’aan saday in uusan mardambe u ciyaarin xulka Jarmalka. Isagoona sabab uga dhigay in meel looga dhacay jiisiyadiisa shaqsi ahaaneed uuna go’aan saday in u kafaristo. Hadaba sideebu Mezut Ozil qaab ciyaareedkiisi wanaagsanay uu dib ugu soo celin kara? Waa in uu kalsooni kahela tababarihiisa, waa in u is muujiyo, waa in kulamada kooxda ciyaareyso si joogta ah lagu soo bilaawa shaxda koowaad, waa in laga dheelsiyo booska uu ku fcnyahay oo ah khadka dhexe ee weerarka ah si u abuuro fursada gool lagu dhalin kara. W/Q : Mohamed Ahmed Khalif SMI journalist.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.