Maxaabiis Shabaab ah oo ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar

0
157

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro maxaabiis ah ayaa maanta ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan xabsiga dhexe u sheegeen Caasimada Online.
Tirada maxaabiista baxsatay ayaa lagu sheegay in ahaayeen saddex maxbuus, waxaana xogta aan helnay ay sheegeysaa inay ahaayeen  xubno Shabaab ah oo maxkamad ay xukunno kala duwan kusoo ridday.
Mid ka mid ah maxaabiista ayaa ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in la qabto, waxaana lagu qabtay agagaarka Kawaanka Xamar Weyne, balse weli waxaa la la’yahay laba ka mid ah maxaabiista.
Labada maxbuus ee weli ka maqan gacanta dowladda ayaa mid ka mid ah wuxuu ku xukunnaa xabsi daa’in halka mid kale uu ku xukunnaa 15 sano.
Illaa iyo hadda lama yaqaan qaabka ay u baxsadeen maxaabiista, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda. Waxaa socda baaritaan xooggan oo lagu soo qabanayo maxaabiista maqan.




SOURCE: Maxaabiis Shabaab ah oo ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.