MAXAAD KA TAQAANAA TAARIIKHDA ARSEN WENGER.

0
509

Arsène Wenger OBEWaxaa uu dhashay 22 October 1949kii  Waamacalin u dhashay Dalka  Farance ahna ciyaaryahaan hore oo kubada kusoo qaatay waayo  wanaagsan.

Waxaauu Tababare u ahaa kooxda Arsenal ee England kadhisan ilaasanadkii  1996dii  in kastoo dhawaan uuku  dhawaaqay in uusoogabagabaynayo marka uudhamaado xiliciyaareedkan waayihiisa uu kala joogokooxdaGaners.

Intii uu kusug naa kooxda arsenal waxaa uu la gaaray guulo waawayn waxaana loo aqoonsaday mid kamid ah macalimiinta dunida ee halkoox maamula in kabadan 20 sano.

22sano  kadib macalinkaan ayaa waxaa uu kamid yahay macalimiinta kaalinta  wanaagsan  kaqaatay isbadala da horumarineed ee uu sameeyay Horyaalka England waxaana uusoo saaray xidigo aad u badan oo tira dooda ay kor u dhaafaysoilaa 200 ooXidig.

NOLOSHA WENGER IYO HALKA AY KASOO BILAABATAY.

Arsène Wenger OBEwaxaa uu ku dhashay deegaan lagumagacaabo Strasbourg halka uu kusoo bar baaray deegaan kale oo wax yaruun u jira halkaasi.

Kubadacagta waxaa baray aabihii oo  halkaa ka ahaa tababarek koox deegaankaasi kajirtay kadib in badan oo uu ciyaarista kubada caan ku ahaa uuna kasoo muuqday kooxo kala duwan.

Waxaa uu helay ninkaan shahaada Diploma ee sida kooxaha loo maamulo sanadkii 1981dii.

Kadib waqti aan laguguulaysan oo uu xilagaasi la qaatay kooxda nancy taa oo soo da dajisay in shaqada laga eryo sandkii 1987dii.

Arsen Winger Waxaa uu ku Biiray Kooxda Manaco taa oo kula guulaysatay horyaalka Champion Shipka 1988dii.

1991dii wenger ayaa waxaa uu Monaco kuhogaamiyay horyaalka Farance balse waxaa soogaaray guuldarooyin xanuun badan taa oo keentay in uu go’aansado in uuisagatago kooxda1994tii.

Intaas kadibw axaa uu u qaraabdoontay oo uu macalin u noqday koox yar oo kadhisnayd horyaal japan.

Taa oo lagumagacaabayay Nagoya Grampus Eight,waxay ku guulaysatay kooxdaasi Emperor’s Cup iyo sidoo kale Japanese Super Cup intii lagu gudo jiray xiligii uu kooxdaasi la joogay.

Sanadkii 1996dii ayaa Arsène Wenger OBE waxaa sirasmi ah loogu magacaabayTababaraha kooxda Arsenal.

2badii sano ee ugu horaysay kooxda ayaa waxaa ay sibuuxda u dhameysatay labo horyaal iyo FA Cup.

Kooxda ayaa ku guuleysatey horyaal iyo koobab kale 2002dii, waxaana ay isla sanadkaasi  kahartay FA Cup.

Sannadkii 2004tii, Wenger ayaa Arsenal kacaawiyey in ay xilli ciyaareed kale oo horyaalka ah gaarto,

Arsenal ayaa ugu danbeysay rikoorkii Nottingham Forest ee 42   oo aan laga badin todoba kulan oo dheeri ah kahor intaaan laga badinin October 2004tii.

Iyadoona kooxda ay markii ugu horeysay kasoo muuqatay finalkii Champions League 2006dii waxay la ciyaareen kooxda Barcelona inkastoo ay guuldaro xanuun badan la kulmeen iyagoo koobkaasi baahi badan u qabay mudo 9sano ah waxaa sidoo kale uu xiligaasi ku beegnaa markii ay kooxda usoo wareegtay garoonka haatan ay caanka ku tahay ee Emarates Stadium,

Wenger ayaa Arsenal kuhogaamiyay guushii FA Cup ee 2014, 2015 iyo 2017.

Arsène Wenger OBE waxaajirta naanays uu caan ku yahay oo siwayn loogu yeero wxaa looguyeeraa markaaynu eegno luuqada faransiiska Naanaysta ah “Le Professeur” (Faransiis: oo noqonaysa “Macallinkii waynaa.

Xirfadaha Cajiibka ah ee uu Wenger Leeyahay.

Nidaamka uu u ciyaaro wuxuu xooga saarayaa maskaxda weerarka ah, iyadoo ujeedadu tahay in kubadacagta ay tahay in ay kuraaxeystaan garoonka dhexdiisa ciyaaryahanada.

Waxaa la sheegaa in kooxda ay soomareen haatan ay joogaan Ciyaaryahano Qaladaad kooda uu aad u badanyahay oo ciyaartoydiisa ayaa helay 100 kaar oo casaan ah intii u dhaxeysay Sebtember 1996 ilaa Febraayo 2014,

inkastookooxda ay kuguuleysatay abaalmarinta cayaaraha fudud.

Monaco, Wenger

Waxa uu helay sumcaddii uu soobandhigay ciyaartoyda da’dayar, waxaana uu diirada saarey sidii loo horumarinlahaa nidaam ka dhalinyarada isagoo soo garabqabtay xidigo badan oo haatan xirfad wanaagsan leh.

Kooxda ayaanan helinkudhawaad 15sano koobka sidawayn loogu xifaaltamo ee Premier leage waxaa siwayn u kooban inta jeer ee ay kaqaybgashay tar tanka champions leage halka dhowr jeer ay meel wanaagsan kagaartayTartanka FA Cup-ka balse waxaa aad u yar inta jeer ee ay kooxda hanatay.

Intii uu joogay kooxda Arsenal Arsen Wenger waxaa taageere yaasha siwayn u dhaliilijireen Hanaanka uu suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda uga soo xusho Xidigaha ay kooxda u baahantahay.

Sidoo kale Taageereyaasha Arsenal waxaa loo aqoonsaday in ay yihiin kuwo Dulqaadkooda uu aad u sareeyo Guuldarooyinka is dabajooga ah ee ay kooxda la kulantana aan wax dhibaato ah kuhayn.

Waxaa halguul ay ku ilaabaan guuldarooyin farabadan oo kooxda ay la kulanto.

Sanadkii aynu kazoo Gudubnay 2017dii waxaa uu ahaa sanad taageereyaasha kooxda arsenal ay siwayn u soojiiteen indhahaCaalamka.

Oo waxaa magaalooyin waawayn oo caalamka ah ay kasameeyeen Dibadbaxyo loogasoohorjeedoArsen Wenger in uu sii joogo Garoonka Fly  Emrates.

Hadalkii Dhawaan kazoo yeeray Wenger ee ku aadaan in uu shaqada katagayo marka uudhamaado xiliciyaareedkan ayaa ahaa mid ay taageereyaasha siwayn u soodhaweeyeen oo waxaa ay u arkeen in talaabadaasi ay tahay mida kaliya ee kooxda ay dib ugu soo kaban karto wadada guusha.

Arsène Wenger OBE Tababareyaal Badan oo England Jooga ayaa waxaa ay ku amaaneen in uuyahay nin howl kar ah Xirfad badan misna Dulqaad badan waxaana ay qireen in katagitaankiisa kooxda Arsenal ay tahay mid ay siwayn uga wad axunyihiin.

Kooda Arsenal Wenger si rasmi ah ayuu uga tagay walina ma jiro macalin ay cusub oo gacanta ay ku hayso.

Balse waxaa Hubaal ah in kooxda ay u baahan tahay Tababar Halyeey ah oo dib usoo noo layn kara magacii iyo maamuuskii ay Gunners Arsenal Lahayd.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.