MAXAAD KALA SOCOTAA KULANKA MANCITY VS BRIGHTON

0
220

Man city waxaa ay ciyaari doontaa kulan ay wajihi doonto kooxda Brighton and Hover Albion waxaana kulankaan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay garoon kasoo muuqato tan iyo markii ay dhawaan xaqiijisay ku guulaysiga Horyaalka Premier Leage ee Xili Ciyaareedkaan.

City iyada oo ka duulaysa Bar barihii Dhawaan ay la gashay kooxda Huddersfield waxaa ay awoodeeda isugu gayn doontaa in ay dhabaha guusha kusoo laabtaan waxaana kulankaan ay qabaan Rajo aad u baaxad wayn.

Brighton oo dhawaan guul muhiim ah ka gaartay Man united ayaa xaqiijisay in ay baaqi kusii ahaan doonto Premier leage.

Tartanka: Premier Leage

Waqtiga: 10:00pm xiliga geeska Africa.

Garoonka: Etihad Stadium

MAXAA KU HOOS DUUGAN KULANKAAN.

Man city ayaa 30 sano kadib qaabilaysa kooxda Brighton xiligaasi oo ay 2-1 uga Adkaatay waxaana goolasha ay ka kala heshay xiligaasi Brightwell iyo Paul Molden.

Todobo kulan ayay booqtay Brighton Man city hase ahaatee wax aan guul daro ahayn kama aysan soo faa’idin.

Laba jeer bar baro ayaa lagu celiyay  halka sidoo kale lugtii hore ee ay city soo baqatay afka ciida loo daray.

City oo sidoo kale loo caleemo saaray Kooxda ugu Goolasha Badan marka la eego goolasha kooxaha ay ku dhaliyaan Garoonkooda waxaama ay leedahay 58 gool oo ay garoonkeeda ku dhalisay halka Brighton and Hove Albion ay Gurigeeda ku Dhalisay ilaa 9 gool.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.