MAXAADAN OGAYN OO HOOS DUUGAN KULANKA REAL MADRID IYO LIVERPOOL FINALKA CHAMPIONS LEAGE.

0
114

Kooxda Liverpool ayaa caawa kulan aad u xiiso badan waxaa ay la qaadan doontaa Naadiga Real Madrid kulankaan oo ah mid Dunida si wayn looga wada daawan doono.

Waa kulanka ugu dambeeya Tartanka Champions Leage iyadoona labada koox inta aysan Groonka Xidigahooda soo wada galin laga soo warinayo Sheekooyin kala duwan.

Jurgen Klopp ayaa u dagaalami doona in Liverpool uu ka dhigo markeedii 6aad Kooxda Boqorada Yurup.

Kiev oo ah halka sida rasmiga ah loogu ciyaari doono kulankaan ayaa waxaa uu doonayaa macalinka kooxda Liverpool in markiisii ugu horeeysay uu xaqiijiyo in uu kooxda usoo gacan geliyo Koobka Champions Leage.

Dhinaca Real Madrid oo labo  Xili Ciyaareed ku guulaysatay Koobkan ayaa waxaa uu doonaa Tababare Zidane in uu markii 3aad gacanta ku dhigo koobkaan iyadoona  la dhihi karo Caqabado badan ayaa ka horayn kara in uu xaqiijiyo Hamigaasi.

Taageereyaasha kooxda Liverpool oo ay ka muuqato Xamaasad aad u wayn ayaa waxaa ay maalmihii ugu dambeeyay kusii qul qulayeen Caasimada Ukrain waxaana ay qaadayaan Heeso ay ugu tala galeen in xidigahooda ay ku dhiiri geliyaan.

Hadaba mid kamid ah heesaha ay qaadayaan  Jamaahiirta Liverpool ayaa waxaa dadka ay yihiin kuwo micno ahaan ku wareeray bals Halkan ayaa idinku soo gudbinaynaa iyadoo ku qoran Afkeena Hooyo ee Soomaaliga.

“Waxa aan Garaacnay Yurup oo dhan.

“Waligeen Halkaasi ku joogsan mayno.

“laga soo bilaabay caasimada Paris ilaa Turkiga.

“Waxaan ku guulaysanay wax badan.

“waxaa koobab kala duwan nagula guulaystay (Bob Paisley & Bill Shankl) oo ahaa Taba bareyaal.

“Gudaha Beeraha Anfield.

“Waxaynu nahay Taageereyaal Daacad ah.

“Waxa aan ka nimid Liverpool.

“Allez Allez Allez ayay kusoo gaba gabeeyaan Taageereyaasha Liverpool Heestooda.

Waa Hees aad cajiib u ah oo ay doonayaan in ay niyada ugu dhisaan xidigahooda.

Kulankaan oo ah mid aad u adag ayaanan laga bixin Karin wax saadaal ah maxaayeelay labada koox ee is Hertin doonta waa laba koox oo kala wata xidigo ay indhaha caalamka si wayn ugu sii jeedaan.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.