Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku biirtay suuqa ganacsiga COMESA?

0
285

Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku biiray suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee COMESA, waxaana shalay heshiiskaas saxiixay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre.
Sida lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee Ra’isulwasaaraha, saxiixa waxa uu shalay ka dhacay magaalada Lusaka ee dalka Zambia halkaas oo uu ka socday shir madaxeedka COMESA.
Bogga rasmiga ah ee COMESA ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay xubinimada rasmiga ah ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa markii hore xubin ka ahayd ururkii kan lagu baladay ee PTA ka hor intii aysan burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.
Sida uu qorayo qodobka 4aad ee xeerka COMESA, dal ayaa kusoo biiri kara ururka haddii uu daris dhow la yahay dal ka mid ah ururka, islamarkaasna uu fuliyo dhammaan shuruudaha laga doonayo oo ay ka mid tahay aqbalaadda xeerarka iyo qawaaniinta uu ururka ku shaqeeyo.
Sidaasi darteed Soomaaliya waxa ay daris dhow la tahay 3 dal oo ururka ku jira oo kala ah Jabuuti, Etoobiya iyo Kenya.
Soomaaliya waxa ay horay arji ugu qoratay bahda Bariga Africa, balse weli lama aqbalin.
Waa maxay COMESA?
Waxaa COMESA la asaasay sanadkii 1994-tii, waxaana xubno ka ah illaa 21 dal oo ay ugu dambeeyeen Soomaaliya iyo Tunisia .
Waxaa ururkan lagu badalay urur ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray PTA kaas oo soo dhisnaa illaa sanadkii 1981-dii.
Ururada ganacsi ee dalalka ay ku bahoobaan waa fikrad ganacsi oo looga gol leeyahay in la fududeeyo isu gooshista badeecooyinka iyo dadka, lana yareeyo canshuuradaha tirada badan ee alaabaha laga qaado.
Maxay oga dhigantahay Soomaaliya?
Ra’isulwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa dawladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay ku-biiridda suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka”.
Marka laga tago arrinta kusoo laabashada fagaarayaasha, dadka Soomaalida ah oo ah kuwa xagga gamacsiga caan ku ah, ayay arrintani u tahay war wanaagsan.
Balse maadaamaa shuruudaha ganacsiga uu ka mid yahay in dalalka mid kasta ay caan ku noqdaan wax soo saar u gaar ah, Soomaaliyana aysan hadda jirin wax gaar ah oo ay soo saarto oo ay u suuqgeyn karto dalalka 21-ga ah, ayaanan la ogeyn faa’iidada waqtiga dhow eek u biirista COMESA ay keeni karto.
Hase yeeshee qorshaha hadda socda ee ah in dalalka COMESA loo qaato hal dal-ku-gal ayaa waxa ay tani fududeyn kartaa safarada dadka Soomaalida ee baasaboorka Soomaaliga ah adeegsanaya.
Cabdinaasir Saxansoxo
BBC Somali, Nairobi




READ MORE FROM THE SOURCE: Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku biirtay suuqa ganacsiga COMESA?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.