|

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qayb gelaya shir sanadeedka madasha nabadda Paris, ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.
Kulanka oo qayb ka ahaa shir doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo madaxda ka qayb geleysa shirka madasha nabadda Paris, ayaa looga hadlay amniga, nabad-gelyada iyo taageerada saaxiibbada Soomaaliya ee dib-u-kabashada dalka.
Kulankan ayaa ah kii labaad oo Ra’iisul Wasaare Kheyre la yeesho Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, iyadoo sanakdii 2017-dii uu kulan gaar ah ku dhex maray Xarunta New York ee Qaramada Midoobey.
Ruushka ayaa ahaa dal xiriir xoog leh iyo iskaashi kala dhaxeeyay Soomaaliya, xilligii Midowgii Soviet, hase ahaatee uu xiriirkooda xumaaday kaddib dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Labada dal ayaa u muuqda inay dib u soo celinayaan cilaaqaadkooda, waxaana horay jiray kulamo labada dal dhex maray oo looga hadlay soo celinta xiriirka, iskaashiga iyo taageerida Ciidanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay in taageerada Filand ay qayb wayn ka qaadatay dadaallada nabadeynta iyo dhismaha dowladnimo, uuna rajeynayo in dowladda Filand ay si buuxda Soomaaliya uga taageerto dadaallada deyn cafinta.

The post Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application