Maxay khadka Teleefanka uga wadahadleen Farmaajo & Uhurro Kenyatta?

0
245

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka Teleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenyatta ayaa si qoto dheer uga wadahadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaale iyo amniga  ee ka dhaxeeya labada dal.Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu khadka kula hadlaayay dhigiisa soo hadalqaaday dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay.Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa inta uu wadahadalka socday isku afgartay in lasii wado xiriirka iyo wada shaqeynta isla markaana la adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.Hoggaamiyayaasha waxay sidoo kale ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhigiisa uga mahadceliyay aqbalaada iyo tixgalinta uu dalkiisa u haya Somalia.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com




SOURCE: Maxay khadka Teleefanka uga wadahadleen Farmaajo & Uhurro Kenyatta?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.