Maxey yihiin Xuutiyiinta Yemen ee dhawaan dilay Madaxweynahii hore ee Dalkaasi ?

0
267

 

Maleeshiyada Xuutiyiinta oo Dagaal isku diyaarinaya

Ansaa-rullah Amma Xuutiyiinta Yemen waxaa Xarako kamid ah Dhaq-dhaqaaqyada diiniga ah ee ku abtirsada Mabda’a Shiicada ee ka jira Caalamka, gaar ahaan Firqada loo yaqaano “Seydiyada” Marka ay iyagu iska hadlayaanna waxey isku Magacaabaan “Shabaabka Mu’miniinta ah”.

Waxey ka aas-aasantay Gobolka Sacda ee Waqooyiga Yemen iyo qeybo kamid ah bartamaha wadankaasi, Warbaahinta ayaa aad u qaaday Magaca Xuutiyiinta oo ay hadda caanka ku tahay , iyagoo markaasi u tiirinayo Ninkii Aas-aasay ee Badru-diin Al-xuutii .

Hal-abuurkii Kooxdan ayaa dhashay Fikirkiisa Sanadkii 1992-dii, Kadib Markii Shiicada laga tirada badanyahay ee Yemen ay arkeen in lagu hayo midab takoor , Ihaaneysi iyo yasmo ay Aaminsanaayeen iney kala kulmayeen Dadka kale ee Jamhuuriyadda Yemen Haashimiyiinta wadankaasi oo ay Xuutiyiintu ka dhasheen .
Hoggaamiyaha Kooxdan ayaa waxa hadda Ah CabdiMalik Al-xuutii , oo ah Wiilkii uu dhalay Shaqsigii Kooxdan aas-aasay ee Bedru-diin Al-xuutii.

 

Bedru-diin Alxuutii Aas-aasihii Xuutiyiinta

Afkaarta Xuutiyiintu Aaminsanyihiin.

Kooxdan ayaa Aaminsan Fikir Fog oo ku saleysan Aragti Shiiceysan oo ah iney soo celiyeen oo ay dib usoo nooleeyaan Imaamyada Shiicada , Tusaale Kooxda ayaa dooneysa in halkii laga Oran Lahaa Madaxweynaha Dalkaasi Erayga “Madaxweyne “ Lagu badalo Weedha ah “Imaam” oo ah Afkaar si guud Shiicada Caalamka u Aaminsantahay.

Sidoo kale waxey doonayaan in Hoggaanka uu kasoo dhax baxo Haashimiyiinta oo iyaga Soo xakumayay Yemen Muddo ka badan Kun sano.

 

      CabdiMalik Alxuutii Hoggaamiyaha hadda

Xuutiyiinta Yemen ayaa sidoo kale qaba in la dulmay dadka kunool Sacda oo ay sheegeen in uu la degay Faqriga iyo dilal mararka qaar ay la kulmayeen dad u ah hal-door taasi oo ay geesta kale bar-bar socotay duqeymaha ay ugu yeereen Axmaqnimada oo ay dhammaan ay kala kulmayeen Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cali Cabdalla Saalax.

Sababaha Ka dambeeyay iney Soo if-baxaan .

Wixii ka dambeeyay markii Dhidibada loo taagay Dowladda Yemen , waxey aaminsanyihiin Kooxdan in la cadaadiyay oo si weyn loo gacan bidxeeyay Haashimiyiinta ay kasoo jeedaan oo ay u arkayaan iney mudanyihiin Maamulka guud ee Siyaasiga ah ee Wadankaasi Maadaama ay Muddo dheer Xakumayeen Qeyb kamid ah dadka iyo dhulka Yemen.

Sidoo kale waxaa jirtay aragti taasi ka weyn oo Muujineysa sababaha ugu adag oo ay Kooxda hadda u wadato hubka oo ah in Dhammaan Madaarista iyo Iskuulaadka Diiniga ah laga tirtirayay Caqiidadooda Seydiga oo ay u arkaan iney tahay Lama taabtaan.

 

Xaggee ayeey ka helaan taageerada hubka iyo dhaqaalaha ?

Dowlado ay ka mid tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku eedeysa Iiraan iney siiso Kooxdan Xuutiyiinta Taageero Xooggan Islamarkaana ay fara-gelin adag ku haayso Arrimaha Yemen gudaheeda ah , halka Dhinaca kale Iiraan lagu eedeeyay iney dalkaasi ka dhax-abuureyso deganaasho la’aan Ammaan.

Sanadkii 2009-dii Maamulkii Yemen ee barigaasi ayaa waxey sheegeen iney gacanta ku dhigeen Dooni wadatay Astaamo Muujinayo iney Iiraan katimid oo hub u waday Xuutiyiinta .

Laakiin Dowladda Iiraan ayaa Islamrkiiba beenisay Warkaasi , iyadoo Qoraal kasoo baxay Safaaradda Sanca ee Iiraan lagu sheegay in guud ahaanba Hadalka ka yimid Dowladda Yemen uu yahay Been lasoo dhoo-dhoobay oo lagu xumeynayo Sharafta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan sida hadalka loo dhigay.

Marka si weyn looga hadlayo taageerada Kooxdu ay ka hesho Jamaacaadka Shiicada ah ayaa waxaa horay u cadeeyay Hoggaamiyayaal si weyn saameyn ugu leh Shiicada Wadamada Carabta Sida Wadaadka Muqtada’ Al-sadri ee Ciraaq kunool.

Sidoo kale Madaxweynaha Qaxa ku maqan ee Yemen Cabdirabuh Mansuur Al-haadii ayaa mar uu Socdaal ku tagay Wadanka Mareykanka, waxa uu sheegay iney qabteen Kooxo Iiraan ku xiran oo ka gacan siiyo Xuutiyiinta isku xirka labada dhinac, waxa uu dhankiisana sheegay In Iiraan ay tahay gacanta Midig ee Kooxdaasi.

Xaggee ayeey ku tebiyaan Fikirkooda Xuutiyiinta ?

Kooxdan ayaad Mooddaa in Fikirkoodu dheeryahay , waxeyna baahinta afkaartooda u adeegsadaan Hay’ado warbaahineed oo ay iyagu Maamulaan Sida:- Websait-yo Idaacado iyo Muuq-baahiyayaal oo uu ugu caansanyahay TV-ga Lagu Magacaabo Almusiirat.

Dowladda Mareykanka Maxey ka Aaminsantahay Xuutiyiinta ?.

Awoodda Kooxdan ayaa Markii ay soo if-baxday waxey Cirka u taageen Calan ay kusoo dhigeen Halku dhig ah “Mareykanka ha dhinto” Laakiin marka loo eego Dhinaca Dowladda Mareykanka ma siiso ahmiyad weyn oo la mid ah sida ay ula dagaalanto Kooxaha kale ee  wata Fikirka salafiga ah ee Suniyiinta .

Washington Uma aragto Qatar weyn oo isaga gudbi karto Xuduudaha Caalamka Mabaadi’da Xuutiyiinta ay wataan, marka loo bar-bar dhigo Kooxaha sida Al-qaacidda , Daacish iyo Jabhatu-Nusrah . illaa iyo haddana Mareykanku kuma uusan darin Liiska Argagaxisada .

Marka laga Yimaado Dhinaca Mareykanka Xuutiyiinta waxey soo bandhigaan Cadawaada ay sheegaan iney u qabaan dhanka kale oo xagga Afka ah , Laakiin Illaa iyo Hadda lama hayo goob ay beegsadeen oo ay leedahay Dowladdaasi , taasi oo shaki gelineysa in Labada Dhinac uu jiri karo Xiriir aan Muuqan in uu ka dhaxeeyo , balse hadalka Kooxdan uu yahay boor isku qaris.

Xuutiyiintu yeey u arkaan Cadwga rasmiga ah oo ay hubka u sitaan?.

Sida ku cad Afkaarta Kooxdan iyo Qoraalada ay soo bandhigaan Cadwga koowaad oo ay leeyihiin waa Dowladaha Khaliijka ee uu Hoggaamiyo Sacuudiga , waxeyna si gooniya u arkaan Imaaraadka oo ay ku tilmaamaan Cadawga uga daran Xukuumadda Riyaad.

Alqaacidda ayeey sidoo kale la galeen dhowr dagaallo, oo u badnaa ku dhufoo ka dhaqaaq, waxeyna labada dhinac taageerayaashooda iska qoraan, qoraallo soo bandhigayo aragtida Labadan koox ay iska aaminsanyihiin.

Dilkii Cali Cabdalla Saalix.

         Cali Cabdalla Saalix Madaxweynahii la dilay

Xuutiyiinta ayaa 04-December ee sanadkan Maamlo yar uun ka hor dilay Madaxweynahii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix, kadib dhowr Maalmood oo uu dagaal ku dhax-marayay Caasimadda Sanca.
Dilka Saalix ayaa waxa si weyn u cambaareeyay Dowladaha Sacuudiga iyo Madaxweynaha Yemen ee Sharciga ah Cabdirabu Mansuur Al-haadii .

Xuutiyiinta hadda waxaa u baryaya waa cusub oo dagaal , maadaama Janaraal Axmed Cali Cabdalla oo ah Wiilkii Madaxweynahii hore ee la dilay uu ka dagay Sacuudiga , Islamarkaana uu sheegay in Uu ka aar-goosanayo Xuutiyiinta.

Isha:-Qoraallo hore iyo Baarista Qoraaga 

W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow.

Email:-Caguje79@gmail.com

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.