Maxkamadda Shabaab ee Hiiraan oo xukun ku ridday rag kufsi iyo dilal u geystay dumar

0
72

Buqaqable (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa xukun ku riday rag ay ku eedeeyeen in ay fal kufsi ah ka gaysteen degaanka Buqaqable  ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi.
Dambiilaha koowaad ayaa kufsaday 4 dumar ah wuxuuna dil u gaystay 2 kamid ah dumarkii uu falk kufsiga ah kula kacay isagoona ugu dambayntii dambigiisa ka hor qirtay Maxkamada Islaamiga ah.
Dambiilaha labaad ayaa isaguna Fal Kufsi u geystay 2 Dumar Ah, falkaas oo uu isaguna ka hor qirtay Maxkamadda horteeda.
Qaadiga Maxkamada ayaa goobta fagaaraha ah ka aqriyay dacwadaha loo haystay labada dambiile waxayna maxkamaddu ku xukuntay in min 100 Jeydal lagu dhufto iyo in laga qaado diyada dadka ay dileen kadib markii ehelladii lahaa dhiigga dumarka ladilay ay qisaastii ka cafiyeen ayna diyo dalbadeen.
Sidoo kale dambiilayaasha mid kamid ah waxaa lagu xukumay sedax sanadood oo xarig ah halka midka kale laba sanadood xarig ah lagu xukumay sababa laxiriira fasaadka ay geysteen.
Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay.
Caasimada Online
Xafiiska Beled-Weyne
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Maxkamadda Shabaab ee Hiiraan oo xukun ku ridday rag kufsi iyo dilal u geystay dumar

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.