Meel ku sheeg Gudoomiyihii Barlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ?

0
64

Baarlamanka   Somalia   wuxuu   ku   jiraa maalmihiisii fasaxa, ma uusan fariisan mudo 100 cisho ka badan, inkastoo ay aheyd in xilligaan ka hor lasoo laabto hadana Xajka ayaa  sii  dheereyay  fasaxa  mudanayaasha Baarlamaanka. Gudoomiye Mursal ayaa la sheegay  inuu  isagu  wali  ku  jiro  shaqadii xukuumadda ee uu xubinta ka ahaa.
Markii dib loogu laabto maalmihii Jawaari waxaa guddoonku uu qaban jiray shaqooyin gaar u ah  Baarlamanta inta fasaxa lagu jiro si loo  sii  hormariyo  howlaha  iyo  xirfada Baarlamanka,  laakiin  hada  taasi  ma muuqato.  Mursal  wuxuu  hada  xoogga saaraya arrimaha  xukuumada, isagoo bilaabay galaangal dhanka awood qeybsiga ah, si kale markii loo yiraahdo in wasiiro laga dhigo xubno uu isagu wato oo ay saaxiibo  dhow  yihiin.
Xubno  ka  tirsan Baarlamanka  oo  aan  la  xiriirnay  ayaan  weydiinay   hadii   ay   iska   warhayaan guddoomiye Mursal waxaana ay sheegeen iney ugu war dambeysay isagoo dhinac kahaya shaqada xukuumadda.
Maalmo badan kadib  gudoomiye  Mursal  ayaa  la  arkay isagoo tababar usoo xiraya ciidamo ka tirsan Dowladda  oo   lagu  tababaray  xarunta Turksom ee Muqdisho. Gudoomiye Mursal iyo Ra´iisul wasaaare Kheyre ayaa la sheegay iney  wadaan  qorshe  lagu  dhimaayo kulamada Baarlamaanka si aaney u suurto galin in xukuumada mooshin laga keeno.
Markii uu xilka qabtay Mursal ayaa laga filayey inuu isku keeno XIldhibaanadii ku kala tagay khilaafkii ka dhashay mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ee Is casilay balse waxaa muuqato inuusan arrintaas weli wax tallaabo u qaadin.
Fadhi ku dirirka Xildhibaanada Soomaaliya ayaa noqday “ Meel ku sheega Guddoomiye Mursal?!!”
Xigasho: Wargeyska Muqdisho Evening Post oo ah wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.




READ MORE FROM THE SOURCE: Meel ku sheeg Gudoomiyihii Barlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.